Mareykanka iyo UK oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta xiisadda Badda Cas

Washington (Caasimada Online) – Mareykanka iyo Britian ayaa bilaabay weeraro ballaaran oo ka dhan ah kooxda Xuutiyiinta ee ay taageerto Iran, kadib halista ka soo korortay Badda Cas.

Weeraradan oo lagu tilmaamay kuwa looga aargudanayo Xuutiyiinta, in ka badan labaatan weerar oo dhowaan uu ururkaasi la beegsaday maraakiibta isaga kala gooshta marinka caalamiga ah ee Badda Cas.

Saraakiil Mareykan ah oo ka gaabsaday inay magacooda sheegaan, maadaama oo aan loo ogolayn inay warbaahinta la hadlaan, ayaa sheegay in ciidamada milateriga ee Mareykanka iyo Ingiriisku ay weerar ku qaadeen in ka badan toban bartilmaameed oo ay leeyihiin kooxaha Xuutiyiinta.

Xarumaha la weeraray ayaa waxay isugu jiraan goobo tababar iyo meelo lagu kaydiyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay lahaayeen Xuutiyiinta.

Waa markii ugu horraysay ee la duqeeyo xarumaha Xuutiyiinta ee ku yaalla gudaha Yemen, tan iyo markii ay bilaabeen weerarada ka dhanka ah, maraakiibta maraysa badda cas, iyaga oo sheegay inay garab-istaag u muujinayaan shacabka Falastiiniyiinta.

Waxaa jiray illaa 27 weerar oo laga soo abaabulay goobaha ay Xuutiyiintu ka maamulaan dalka Yemen, tan iyo wixii ka dambeeyey bishii November ee sannadkii hore.

Salaasadii, taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka oo dusha kala socda hawl-gallada ciidamada Mareykanka ee bariga dhexe iyo Koonfurta Aasiya ayaa sheegay in kooxda Xuutiyiintu ay qaadeen weerar adag oo ay adeegsadeen illaa 18 diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahayn, iyo illaa saddex gantaal, kuwaasi oo lala beegsaday gaadiidka badda ee maraya biyaha Badda Cas.

Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka, oo ay wehelinayaan, Maraakiibta dagaalka ee Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa dhacdadaas ka jawaabay, iyaga oo soo riday diyaaradahaas iyo gantaaladaba, kana hortagay khasaarihii ay geysan lahaayeen.

Ka hor intii aan Mareykanka iyo Ingiriisku aanay weerarka qaadeen, waxaa jiray saraakiil Mareykan ah oo u digay Xuutiyiinta iyo Iran-ba, in aanay ku kicin falal jar iska xoornimo ah oo sharci darro ah.