Mareykanka, Norway iyo UK oo qoraal bahdil ah u diray madax goboleedyada iyo Rooble, shuruudna ku xiray…

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah dalalka caalamka ayaa shuruud adag ku xiray inay bixiyaan lacagta weli ku dhiman ee lagu taageerayo qabashada doorashada golaha shacabka ee Soomaaliya, ayaga oo qoraal bah-dilaad u muuqda u diray madaxda Soomaalida. 

Qoraal loo diray ra’iisul wasaare Rooble, madax goboleedyada iyo guddiyada doorashada heer federaal iyo heer gobol ayey safiirada dalalka Mareykanka, Norway iyo UK uga jawaabeen codsi looga dalbaday lacag gaareysa 3.7 milyan oo dollar oo loogu talo-galay Hay’adaha Maaraynta Doorashada iyo kharashaadka codbixinta iyo macluumaadka dadweynaha

Lacagtaas ayaa qeyb ka ah 27.2 milyan oo dollar oo guddiga doorashada uu go’aamiyey inay guud ahaan ku bixi doonto doorashada. 

Hase yeeshee Mareykanka, Norway iyo UK ayaa ku gacan seeray dalabkaas, waxaana qoraalka lagu yiri “waxaan xuseynaa in lacag idin ku filan aad heli kartaan, oo ay ku jirto mid ka timid deeq bixiyayaasha caalamka, si loogu dhameystiro qeyb muhiim ah oo ka mid ah doorashada golaha shacabka.”

“Marka ay noqoto codsiga ku aadan lacag dheeraad ah, dowladaha Mareykanka, Norway iyo UK waxay si wadajir ah u xaqiijin karaan inaan awoodno bixinta lacagta dheeriga ah ee la codsaday oo ah $3.7 milyan. Waxaan tani sameyn doonnaa inanga oo u mareyna barnaamijka taageerada doorashooyinka ee QM ee IESG. Si kastaba, waxaan ka walaacsannahay kalsoonida iyo jadwalka hanaanka doorashada ee sida aadka ah dib ugu dhacay,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Saddexdan dal ayaa madaxda Soomaalida u sheegay in lacagtan ay kala bixin doonaan laba goor, oo kala ah, oo tan koowaad ay tahay:-

a)- Marka doorashada ay si macno leh oo la isku haleyn karo uga billaabato ugu yaraan saddex maamul goboleed.

b)- Marka dhammaan lacagta murashaxiinta xildhibaannimo lasoo xareeyo, islamarkaana la xaqiijin karo qaabka loo istcimaalay.

Qeybta labaad ee lacagta ayey Mareykanka Norway iyo UK sheegeen inay bixin doonaan:-

1 – Marka ugu yaraan saddex meelood laba meel kuraasta golaha shacabka lagu soo doorto dhammaan goobaha codbixinta.

Waxaa intaas dheer oo ay dalbadeen sharaxaad ku saabsan in laga soo baxay waajibaadka lagu xaqiijinayo qoondada haweenka oo ah 30%.

Dalalka Mareykanka, Norway iyo UK waxay kale oo ay sheegeen inaysan awoodi doonin inay bixiyaan lacag intaan dheer oo la xiriirta doorashada haddii ay soo baxdo, taasi oo ay sheegeen in looga baahan yahay inay dhameystirto dowladda federaalka.