BURCAD Koonfur Afrikaan ah oo toorey ku dishay wiil Soomaali ah (Faah-faahin)

Cape Town (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helaya dil wiil Soomaali ah saacadihii lasoo dhaafay loogu geystay gudaha wadanka Koonfur Afrika, kaas oo  magaciisa lagu soo koobay Suleymaan, wuxuuna ka mid ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku ganacsada duleedka magaalada Cape Town ee dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dilka marxuumka ay ka dambeeyeen koox burcad Afrikaan ah, kuwaas oo toorey u adeegsaday dilka muwaadinkaasi Soomaaliyeed.

Mid ka mid ah ganacsatada Soomaalida oo ka warbixinayey dhacdadaasi ayaa sheegay in ay falkan geysteen laba nin oo ku hubeysnaa Mindiyo, wuxuuna intaasi ku daray in Suleymaan uu markii hore soo gaaray dhaawac, balse oo mar dambe uu u dhintay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay baxsadeen raggii ka dambeeyey dilkaasi, iyaguna ay soo wajahday cabsi xoogan oo la xiriira ammaankooda.

” laba Nnn oo aan la garanayn ayaa soo galay dhismaha, iyagoo Tooriyeeyey Marxuumka, ka dibna waxay goobta uga baxsadeen jiho aanan garaneyn, iyaga oo wata cadad lacageed, walwal ayaana na soo wajahay,’ ayuu yiri mid ka mid ah Soomaalida ku nool halkaasi.

Dhacdadan ayaa ka dhacday deegaanka lagu magacaabo Vrygtrond oo ku dhow xeebta Muizenberg ee magaalada Cape Town, halkaas oo uu marxuumka ku lahaa goob ganacsi.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska ee Koonfur Afrika ayaa sidoo kale meesha ay wax ka dhaeen gaaray, kuwaas oo haatan wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan falkaasi.

Koonfur Afrika waxaa inta badan ka dhaca dilal, dhaawac, dhac iyo boob loo geysto ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalooyinka waa weyn ee wadankaasi.