Aqriso: Nuxurka khudbada Swan ee shirka Soomaaliya ee Golaha Ammaanka QM

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan ayaa khudbad xasaasi ah ka jeediyey shir gaar ah oo ay golaha ammaanka ka yeesheen xaaladda cakiran ee Soomaaliya.

James Swan ayaa khudbaddiisa inta badan uga hadlay arrimaha doorashooyinka, isaga oo soo dhoweeyey dhammeystirka Aqalka Sare iyo bilaabista Golaha Shacabka.

“Horumar ayaa laga gaaray hannaanka doorashada, in kasta oo ay gaabis yihiin oo aan sinnayn. Waxaan soo dhaweynayaa doorashada dhawaan la soo gaba gabeeyay ee dhammaan 54-ta kursi ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Waxaa dhiirigelin leh in ay bilaabatay doorashada Golaha Shacabka, iyadoo 2 ka mid ah 275-tii kursi la soo dhameystiray, iyadoo toddobaadkaan lagu dhawaaqay in doorashada kow iyo toban kursi oo dheeri ah ay bilaabaneyso,”.

Dhinaca kale wuxuu ergeygu aad u dhiiri-geliyey 14-ka haween ee loo doortay Aqalka Sare ah, isla-markaana dhowaan la wareegi doono xilalkooda.

“Waxaa dhiirigelin leh in 14 haween ah ay dhawaan la wareegi doonaan xilalka Senatarrada, kuwaas oo ka dhigan 26 boqolkiiba Aqalka Sare,” ayuu sii raaciyey.

Gabagabadii Swan ayaa dhanka kale soo hadal qaaday doorashadii golaha deegaanka ee bishii October ka dhacday Puntland, taas oo aheyd qof iyo cod, isla-markaana lagu tijaabiyey saddex degmo oo ka tirsan maamulkaasi, wuxuuna tilmaamay inay muujisay suurtagalnimada in doorasho qof iyo cod ah ay ka dhici karto guud ahaan Soomaaliya.

Shirka golaha ammaanka QM ay ka yeesheen xaaladdaSoomaaliya ayaa ku soo aadaya, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay dalka ka jiraan daruufo adag oo laga dhaxlay kala guurka.