Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday abaal-marin dhan illaa $10 milyan oo la siinayo cid kasta oo keenta xog sugan oo horseedi karta in la helo ama la xukumo Cabdullaahi Banaati, oo lagu eedeeyay inuu ka mid ahaa dadkii abaabulay weerarkii ka dhacay saldhigga Manda Bay ee Kenya 5-tii Janaayo 2020.
Banaati waa shaqsigii labaad ee barnaamijka Rewards for Justice (RFJ) ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka lagu raadinayo, iyadoo la xiriirinayo weerarkaas. Barnaamijkan waxaa maamula Waaxda Amniga Dibadda ee Mareykanka (Diplomatic Security Service).
Sanadkii 2023, barnaamijka RFJ ayaa abaal-marin la mid ah u ballanqaaday ciddii keenta xog horseedaysa qabashada ama xukunka Macalim Ayman — hoggaamiyaha Jaysh Ayman — oo lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa abaabulka weerarkaas. Macalim Ayman ayaa bishii November 2020 lagu daray liiska Argagixisada Caalamiga ah ee si gaar ah loo calaamadeeyay (Specially Designated Global Terrorist), iyadoo lagu saleynayo Amar Madaxweyne (EO) 13224.
Bayaan kasoo baxay Mareykanka Arbacadii ayaa lagu sheegay in Cabdullaahi Banaati uu ka mid ahaa shaqsiyaadkii si toos ah ugu lug lahaa qorsheynta weerarkii Manda Bay. Weerarkaas ayey fulisay kooxda Al-Shabaab, oo ah faraca Al-Qaacida ee Geeska Afrika, waxaana lagu dilay hal askari Mareykan ah iyo laba qandaraasle oo u shaqeynayay Wasaaradda Difaaca Mareykanka (DoD). Sidoo kale, laba askari iyo qandaraasle kale ayaa ku dhaawacmay.
Kadib weerarka, Al-Shabaab ayaa baahisay muuqaal ay si rasmi ah mas’uuliyadda ugu sheegatay.
Saldhigga Manda Bay, oo qayb ka ah xarunta ciidamada Kenya (KDF), ayaa Mareykanku u adeegsadaa tababarka iyo taageerada la dagaalanka argagixisada ee Bariga Afrika, ka falcelinta xaaladaha degdegga ah, iyo difaaca danaha Mareykanka ee gobolka.
Cabdullaahi Banaati ma aha magac cusub oo ka dhex muuqda warbixinaha amniga Kenya. Inkasta oo muddo ku dhow toban sano lagu daba socday, haddana weli gacanta laguma dhigin.
Magaciisu wuxuu si joogto ah ugu soo baxay saddex weerar oo ka mid ah kuwii ugu dhimashada badnaa ee ka dhacay gudaha Kenya tan iyo markii uu kooxda Al-Shabaab ku biiray sanadkii 2012.
Boolisku waxay rumeysan yihiin inuu door muhiim ah ka qaatay daadgureynta dagaalyahannadii fuliyay weerarkii Dusit D2 ee Nairobi sanadkii 2019, halkaas oo 21 qof lagu dilay. Sidoo kale, Banaati ayaa lagu tuhunsan yahay inuu door la mid ah ka ciyaaray weerarkii Westgate ee 2013, oo ay ku dhinteen 67 qof.
Sannadkii 2015, weerarkii lagu qaaday Jaamacadda Garissa, Banaati ayaa la rumeysan yahay inuu martigeliyay dagaalyahannadii dilalka geystay. Waxaa intaas dheer in la tuhunsan yahay inuu ka mid ahaa ragii weeraray saldhigga KDF ee Baure, gobolka Lamu, bishii Juun 2015, halkaas oo 11 dagaalyahan oo Al-Shabaab ah lagu dilay.