29.1 C
Mogadishu
Tuesday, May 13, 2025

Maxay Sacuudi Carabiya ku qasbeen Mareykanka ka hor booqashada Trump ee Riyadh?

Share

Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa si xooggan ugu ololeysay Mareykanka in uu joojiyo dhammaan weerarrada uu ka wado Yemen, kahor booqashada Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku tagayo boqortooyada, iyadoo ka digtay in weeraradaasi ay sababi karaan “xaalad xanuun badan” oo keenta xasilooni darro siyaasadeed, sida ay ogaatay warbaahinta Middle East Eye.

Tan iyo markii maamulka Biden uu billaabay duqeymaha sanadka 2024, Sacuudi Carabiya waxay ka biyo-diidnayd weerarada Mareykanka ee ka dhanka ah kooxda Xuutiyiinta. Laakiin toddobaadkii tegay ayaa cadaadiska Sacuudigu uu kordhay, iyagoo walaac ka muujiyay baaxadda weeraradaas, sida ay sheegeen laba sarkaal oo Maraykan ah oo codsaday in magacyadooda la qariyo.

“Trump wuxuu u muuqdaa inuu aqbalay dalab Sacuudiyaan ah oo ah in la joojiyo duqeymaha kahor safarkiisa,” mid ka mid ah saraakiisha Mareykanka ayaa u sheegay Middle East Eye.

“Cadaadiska Sacuudiga si loo joojiyo weerarradan aad buu u kordhay tan iyo toddobaadkii hore. Waxay noo sheegeen in weerarada Yemen inta uu Madaxweynaha Mareykanka joogo ay noqon karto ‘ku ciyaar dab’,” ayuu intaas ku daray.

Trump ayaa Talaadadii ku dhawaaqay in Mareykanka uu “si degdeg ah” u joojinayo duqeymaha uu ka wado Yemen.

Ilo-wareedyadu ma aysan caddeyn in go’aanka Trump uu ku saleysnaa kaliya cadaadiska Sacuudiga, ama inuu isagu si gaar ah u qiimeeyay.

Weerarrada Mareykanka ayaa sidoo kale dhaleeceyn xooggan kala kulmay saaxiibada ugu dhow ee Trump, sida wariyaha caanka ah Tucker Carlson iyo xildhibaanadda Marjorie Taylor Greene.

Kahor hadalka Trump, Greene ayaa ku maadsatay weerarada Mareykanka, iyadoo tiri: “Weli Xuutiyiin ma arag, mana garanayo qof iyaga arkay.”

Trump: “Waxaan ixtiraami doonnaa ballanqaadka Xuutiyiinta”

Trump ayaa sheegay in kooxda Xuutiyiinta ay u soo sheegeen Mareykanka habeenimadii Isniinta in “aysan dooneynin inay sii dagaalamaan, ee ay rabaan in dagaalku joogsado.”

“Waxaan sharfi doonnaa ballanqaadkaas. Duqeymaha waan joojinaynaa,” ayuu yiri Trump, isagoo intaas ku daray in kooxdaasi ay ballanqaaday in aysan weerari doonin maraakiibta.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan, Badr al-Busaidi, ayaa bartiisa X ku xaqiijiyay hadalka Trump, isagoo sheegay in dalkiisu uu dhex-dhexaadinayay xabbad-joojin u dhaxaysa Mareykanka iyo Xuutiyiinta.

“Mustaqbalka, labada dhinac midna ma weerari doono kan kale, oo waxaa lagu heshiiyay in aan la beegsan maraakiibta Mareykanka ee Badda Cas iyo Bab al-Mandab, si loo sugo xurriyadda maraakiibta ganacsiga caalamiga ah,” ayuu ku qoray al-Busaidi.

Mas’uuliyiin Carbeed iyo Maraykan ah ayaa u sheegay Middle East Eye in Sacuudi Carabiya ay si xeel dheer u wadaysay “wadaxaajood horudhac ah” oo ku saabsan safarka Trump.

Sacuudigu wuxuu doonayaa in booqashada lagu adkeeyo heshiisyo dhinaca dhaqaalaha ah iyo iibka hubka, sida ay sheegeen mas’uuliyiin Carbeed.

Warbixin hore oo uu daabacay Middle East Eye toddobaadkii hore ayaa sheegay in Riyadh ay ka codsatay Mareykanka in aan wax wadahadallo la xiriira xiriirka la samaynayo Israa’iil lagu soo qaadin inta uu Trump joogo boqortooyada.

Sacuudi Carabiya waxay ku adkeysatay in aysan aqoonsan doonin Israa’iil ilaa la qaado tallaabooyin dhab ah oo loo marayo dhismaha dowlad Falastiini ah iyo xabbad-joojin rasmi ah oo ka dhaqan gasha Qaza.

Israaiil oo duqeysay Sanca isla maalintii Mareykanku xabbad-joojinta ku dhawaaqay

“Xabbad-joojinta” u dhaxaysa Mareykanka iyo Xuutiyiinta waxay sidoo kale muujisay kala duwanaansho u dhexeeya Trump iyo Israa’iil.

Trump ayaa ku dhawaaqay in uu joojinayo weerarada isla maalintii Israa’iil ay duqeyn xooggan la beegsatay garoonka diyaaradaha ee Sanca.

Trump iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan midkoodna ma aysan xusin in Xuutiyiintu ay joojin doonaan weerarrada ay ku hayaan Israa’iil. Toddobaadkii tegay, gantaal ay Xuutiyiintu rideen ayaa ku dhacay meel u dhow Terminal 3 ee garoonka Ben Gurion ee Tel Aviv, taasoo argagax ku abuurtay Israa’iil.

Tan iyo markii maamulka Biden uu billaabay weerarada 2024, Sacuudi Carabiya si weyn ayay uga shakisneyd ololaha Mareykanka ee ka dhanka ah Xuutiyiinta.

Yemen waxay gashay dagaal sokeeye sannadkii 2014 markii kooxda xiriirka la leh Iran ee Xuutiyiinta ay qabsadeen caasimadda Sanca. Sannadkii xigay, Sacuudi Carabiya ayaa hoggaamisay isbahaysi dalal Carbeed ah oo ay ku jirto Imaaraadka, si ay dib ugu soo celiyaan dowladda caalamku aqoonsan yahay.

Isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaaminayo wuxuu qaaday kumannaan duqeyn, balse kuma uusan guuleysan in uu meesha ka saaro Xuutiyiinta, waxaana taa beddelkeeda ka dhashay kumannaan dhimasho rayid ah iyo musiibo bani’aadamnimo oo baahsan.

Xuutiyiintu waxay uga jawaabeen weeraradaas iyagoo gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku garaacay xarumo rayid ah oo ku yaalla Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka.

Sanadkii 2022, Sacuudiga iyo Xuutiyiintu waxay gaareen heshiis xabbad-joojin ah. Inkastoo heshiiskaasi uu si rasmi ah u dhacay, labada dhinac waxay ka fogaadeen in ay mar kale si toos ah isu weeraraan.

Si kastaba ha ahaatee, dadaallada Sacuudiga ee ku aaddan xal siyaasadeed oo lala gaaro Xuutiyiinta waxaa carqaladeeyay weerarrada kooxdaasi ku hayso maraakiibta caalamiga ah iyo weerarrada Mareykanka iyo Israa’iil.

 

- Advertisement -

Read more

Local News