Mareykanka oo $700 milyan ugu deeqay Soomaaliya

Washington (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay ugu deeqeen lacag dhan $700 oo milyan, taas oo ay ku bixiyeen wax ka qabashada gurmadka abaaraha daran ee haatan ka jira qaybo badan oo ka mid dalka.

Qoraal kooban oo ka soo baxay safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Muqdisho ayaa lagu faahfaahiyey lacagtaan oo la soo mariyey hay’adda gargaarka ee USAID.

 

Hay’adda ayaa dhankeeda shaacisay in abaarta ka jirta Soomaaliya ay gaartay meshii ugu xumeyd, isla-markaana ay kordhiyeen taageeradooda Soomaaliya.

USAID ayaa sidoo kale sheegtay in macluul laga saadaalinayo deegaanada qaar, sida Koonfur Galbeed, inta lagu guda jiro bilaha Oktoobar-December ee sanadkan, haddii aan si degdeg ah gargaar naf badbaadin ah loo helin si loo gaarsiiyo dadka aadka ugu baahan.

Abaarta Soomaaliya ku dhufatay ayaa ah tii ugu darneyd muddo 40 sano ah, waxaana socdo gurmad iyo dadaallo ay wadaan dowladda Soomaaliya iyo saaxibadeeda caalamka.

Ilaa 7.8 milyan oo Soomaali ah ayey saameysay abaarta, ayada oo in ka badan 1 milyan ay ku barakaceen oo ay ku jiraan ku dhawaad ​​99,000 bishii Ogoosto.

Si kastaba, warbixinta ka soo baxday deeq bixiyeyaaha ayaa lagu sheegay in ay si deeqsinimo ah u kordhiyeen maalgelinta qorshaha ka jawaabista bini’aadantinimada, iyada oo 65 boqolkiiba la maalgeliyay laga bilaabo 31-ka Ogoosto ee sanadkaan 2022-ka.