‘Mareykanka oo DF Somalia ku taageeraya dagaalka maamul goboleedyada’

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa Isniintii dib u furtay xafiiska hay’adda USAID ee Soomaaliya, kadib 28 sano markii ay u xirtay dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya ka qarxay.

Go’aanka dib loogu furay howlgalka USAID ee Soomaaliya, ayaa sida ay sheegtay USAID, waxaa horseeday dadaalka dowladda federaalka Soomaaliya “ay ku sameeneyso is-beddelo macno leh islamarkaana ay dib ula macaamileyso beesha caalamka.”

Hase yeeshee, go’aankan ayaa sidoo kale waxaa ku lug leh arrimo siyaasadeed, sida uu sheegay Matt Bryden oo ka tirsan hay’adda cilmi-baarista Sahan ee diiradda saarta Soomaaliya.

Bryden ayaa tallaabadan ku qeexay mid lagu xoojinayo colaadinta ay dowladda federaalka ah ku hayso dowlad goboleedyada.

“Maamulka hadda jira wuxuu muujiyey nidaam dowladda dhexe ay awood leedahay oo kali-talis ah oo ku wajahan maamul goboleedyada, taasi oo gees u riixday inta badan maamul goboleedyada” ayuu yiri Bryden.

In xafiiska USAID laga soo wareejiyo Nairobi oo la keeno Muqdisho waxay sare u qaadi kartaa xiisadda ka dhex oogan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, sida uu qbao Bryden.

Sida uu sheegay Bryden, marka la eego dalalka reer galbeedka, dowladda Mareykanka waxaa loo arkaa tan taageerada ugu xooggan u muujineysa nidaam ay dowladda dhexe awood leedahay, taasi oo dhiir gelineysa in dowladda federaalka ah ay dareento inay iska indha tiri karto dastuurka ku meel gaarka ah, ayna sidii ay doonto ka yeeli karto maamul goboleedyada.

“Furitaanka xafiiska USAID waxay xoojin doontaa aragtida ah in dowladda federaalka ay tagaeero xooggan gadaal ka haysato islamarkaana ay heleyso taageero maaliyadeed oo ay isku haleyn karto” ayuu yiri Bryden.

Dowladda Mareykanka ayaa ahayd dowladda kaliya ee taageerada u muujisay dowladda federaalka markii ay bishii Janaao cayrisay ergeygii QM ee Soomaaliya, Nicholas Haysom xilli inta badan dalalka Yurub ay ka carroodeen tallaabadaas.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com