Xog: Habar-gidir oo dhabar jebin xoog leh ku sameysay qorshihii Farmaajo & Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulamo gaar-gaar ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho bilaawgii bishaan islamarkaana ay yeesheen odayaasha dhaqanka beelaha Habar-gidir ayaa lagu joojiyay dhamaan rajadii iyo qorshihii dowladda Soomaaliya ay ka damacsaneed Galmudug.

Odayaasha beelaha Sacad, Ceyr, Duduble, iyo Saruur ayaa la kulmay odayaasha beesha reer Xaaji Saleebaan waxayna kala hadleen qodobo ku saabsan mideynta Habar-gidir iyo ka hortagga damaca dowladda Soomaaliya ee qabashada doorashada Galmudug sanadkaan 2019.

Beesha reer Xaaji Saleebaan ayaa laga dalbaday in magaalada Cadaado aysan ka dhicin doorasho ay soo abaabushay dowladda Soomaaliya oo ku saabsan degaanada Galmudug.

Dowladda Soomaaliya ayaa waday qorshe doorashada Galmudug ah waxayna rabtaa in ay ku qabato magaalada Cadaado maadaama aysan tagi karin Dhuusamreeb, hase-yeeshee odayaasha Habar-gidir oo dhan ayaa ku heshiiyay magaalo ka tirsan Galmudug aysan doorasho ku qaban karin dowladda Soomaaliya taas oo lagu sheegay bur burinta dowladda Galmudug.

Cadaado oo ay degto beesha Saleebaan waxay aheyd meesha kaliya ee looga cabsi qabo in ay doorasho ka dhacdo hase-yeeshee Habar-gidir ayaa is hortaag ku sameysay qorshihii dowladda Soomaaliya.

Beelaha Habar-gidir ayaa ku heshiiyay in ay shir ku yeeshaan magaalada Hobyo bisha dhalan doonto ee Luulyo waxaana halkaas lagu dhameyn doonaa dhamaan tabashooyinka ay iska qabaan beelaha Habar-gidir. Sidoo kale waxaa looga hadli aayaha Galmudug iyo sidii dadkeeda loo mideyn lahaa waana sababta keentay in beesha reer xaaji ay ogolaadaan in aan Cadaado laga soo dhaweyn qorshe kasta oo aysan Habar-gidir u mideesneen.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com