Mareykanka oo dilay Jeneral Qasem Soleimani oo laf-dhabar u ahaa ciidanka Iran

Baghdad (Caasimadda Online) – Madaxii Ciidamada Quds Force ee Iran, General Qassem Soleimani, ayaa aroortii hore ee subaxnimadan jimcaha ah lagu dilay duqeyn xagga cirka ah oo ka dhacday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Magaalada Baqdaad, sida ay sheegeen Saraakiisha Ciraaq.

Abu Mahdi al-Muhandis, oo ahaa taliye ku-xigeenkii Maleeshiyaadka Ciraaq ee ay taageerayaan Iran ee Ciidamada Dhaqdhaqaaqa Caanka ee Ciraaq, ayaa sidoo kale la dilay

Gantaal ayaa lagu soo waramayaa inuu kololyadooda kula dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha. Saraakiisha ayaa sheegay in tirada guud ee khasaaraha aysan caddeyn, laakiin la rumeysan yahay in ugu yaraan toddobo qof ay dhimatay.

Waxaa ka mid ah qof lagu tilmaamay inuu yahay madaxa borotokoolka garoonka, kaasoo hal sarkaal uu sheegay inuu halkaas u joogay inuu soo qaado laba qof oo ahaa marti “heer-sare” ah.

Wasaaradda gaashaandhiga ee Mareykanka ayaa sheegtay in dilka Qasem Soleiman uu amray Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump.

Sarkaal katirsan Dowladda Mareykanka ayaa wakalaadda wararka ee Reuters u sheegay in ay fuliyeen duqeynta, laguna bartilmaameedsaday kooxo taabacsan Iran.

“Iyagoo ambaqaadaya amarka Madaxweynaha, ciidamada Mareykanka waxay qaadeen tallaabo wax iska cabin ah oo lagu difaacayo shaqalaaha Mareykanka ee gobolka, waxaana ay dileen Jeneraal Qasem Soleimani,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda difaaca ee Mareykanka.

“Weerarkan waxaa looga gollahaa in lagaga hortago weeraro ay Iran qorsheeneysay in ay fuliso, Mareykankana waxaa uu qaadi doonaa tallaaba walba oo lagaga mamaarmaan ah oo uu ku difaacayo danihiisa iyo dadkiisa meel walba oo ay dunida ka joogaan”, ayaa la raaciyay.

Qasem Suleimani waxaa uu dhashay sanadkii 1957, wuxuuna hadda madax ka ahaa ciidamada Quds.

Qaseem wuxuu caan ka ahaa gudaha dalalka Iran, Ciraaq, Lubnaan, Suuriya iyo Yemen oo ah dalal ay ku nool yihiin dadka heysta madhabta shiicada, waxaana aad u xurmeyn jiray hogaamiyeyaasha dalka Iran iyo dadka shiicada.

Ciidanka uu madaxda ka ahaa ee Quds waxay ahaayeen ciidamo qaabilsan hawlgalada dibadda, gaar ahaan dalalka Suuriya, Ciraaq iyo Yemen, waxayna si toos ah uga mar qaataan hogaamiyaha Iran.

Ciidamada Quds ayaa sidoo kale gudaha dalka Ciraaq kula dagaalameen kooxda ISIS, waxayna ku guuleysteen in ay ka saaraan deegaano badan.

Qasem Suleimani waxaa uu ciidamada Quds madax ka noqday sanadkii 1988, balse xilligaas ma uusan ahayn nin aad loo garanayay, waxaana uu gacan weyn ka geystay xoojinta xiriirka Iran ay la leedahay ururuka Hezbollah, Dowladda Suuriya iyo maleeshiyaadka shiicada ee dalka Ciraaq.

Mohammad Javad Zarif Wasiirka Arrimaha dibadda Iiraan ayaa ku qoray boggiisa Twitter:

“Aragagixisada caalamiga ah ee Mareykunku waxa ay beegsatay oo dishay Qaasin Suleymaani oo ahaa madaxa ciidanka ugu waxtarka badan ee la dagaalanka Daacish (Alnusra) dilkaasi waa arrin aad halis u ah.

Mareykanku waxa uu dhabarka u ridan doonaan dhammaan mas’uuliyadda cawaaqita kadhalata qar iskatuurnimadaas aan loo meel deyin”

Dadka darsa arrimaha bariga dhexe waxay aaminsan yihiin in ay dhalin doonta xiisad horleh, lagana yaabo in Iran ay qaado tallaabo aargoosi ah.