Mareykanka oo doonaya in uusan meel-mar noqon go’aan ay ka laba-labeynayso DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa weli ku qanacsaneyn in meesha laga saaro shaqada xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Mareykanka ayaa u ololeynaya sii wadida xafiiskan, sida lagu sheegay hadal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka, kadib wada-hadal shalay dhex-maray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken.

Labada nin ayaa si gaar ah uga wada-hadlay sii wadista howl-galka Qaramada Midoobay intii socday kulankooda, isaga oo Blinken soo jeediyay in Mareykanka uu doonayo inuu sii shaqeeyo xafiiska, sida uu shaaciyay Afhayeenka waaxda arrimaha dibadda Mareykanka.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in Blinken uu ku nuux-nuuxsaday baahida loo qabo “in la dhimo khilaafka diblumaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dalka deriska ah ee Itoobiya,” kaasi oo ka dhashay heshiis beenaadkii badda ee Itoobiya la gaartay Somaliland.

Inkasta oo dowladda federaalka Soomaaliya ay dalbatay in la xiro xafiiskan, hase ahaateen markii dambe ayaa waxay dabac ka muujiso go’aankaasi, taasi oo keentay in la aado guddi dhex-dhexaadin iyo in qiimeyn lagu sameeyo xafiiska.

Soomaaliya ayaa markii hore ku doodeysay in la joogo waqtigii ay Soomaaliya u madax-banaanaan lahayd howlaheeda gaarka ah. Waxaa intaas kadib si toos ah u wada-hadlay madaxweyne Xasan Sheekh iyo xoghayaha guud ee QM oo sameeyay xiriir khadka taleefoonka ah, iyaga oo heshiis ku gaaray magacaabida guddi gaar ah oo dib u qiimeynaya shaqada xafiiska UNSOM.

Xoghaye Antonio Guterres ayaa maalmo kooban kadib si kumeel-gaar ah ergeyga cusub ee QM ugu soo magacaabay Danjire James Swan, oo ah diblomaasi Mareykan ah oo ruug-caddaa ah, ahna nin aan ku cusbeyn Soomaaliya oo si weyna u fahamsan Soomaalida iyo siyaasadeeda, isagoo aqoon fiicana u leh madaxda Soomaalida.