Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa isku shaandheyn cusub oo lagu sameynayo qaar kamid ah Golaha Wasiirrada, taasi oo saameyn doonta wasaarado ay kamid yihiin Gaashaandhigga iyo Arrimaha Dibadda.
Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa Caasimada Online u sheegay in isku shaandheyntan oo ah mid kooban ay saameyn doonto wasaaradahaan oo muhiim u ah isbedelka ay qorsheynayso DF.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macalin Fiqi ayaa la filayaa in loo wareejiyo xilka Wasiirka Gaashaandhigga.
Haddii ay taasi ay dhacdo is bedelka wasaaradaas ayaa noqonaya markii labaad oo muddo bil gudaheed ah labo Wasiir isku bedelaan, iyadoo Wasiirki ugu waqtiga dheeraa ee soo maray burburkii kadib Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) looga bedelay wasaarad kale.
Sababtii wasiir Jaamac looga bedelay wasaaradaas waxaa lagu sheegaa cadaadis ka yimid Mareykanka oo Madaxtooyadu ku qasbanaatay.
Sidoo kale, xogta aan heleyno waxay sheegeysaa in dood adag ay ka taagan tahay qofka loo magacaabayo xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda markii Fiqi baneeyo booskaas ee la geeyo gaashaandhigga.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa doonaya in xilkaas loo magacaabo Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) oo hadda ah Ra’iisul Wasaare kuxigeenka labaad ee xukuumadda Xamsa, iyadoo kursiga Ra’iisul Wasaare labaad loo badinayo in la siiyo Jabriil Cabdirashiid oo hadda ah Wasiirka Gaashaandhigga.
Sidoo kale, waxaa jirta aragti kale oo uu qabo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Cali Balcad, oo saaxiib dhow la ah Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonaya in xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda la siiyo qof isagu uu wato oo reer Mareykan ah.
Shakhsiga uu wato Cali Balcad waxaa la sheegay inuu ku dhow yahay xubno ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga Mareykanka, si ay dowladda Federaalka galaangal iyo taageero uga hesha Maamulka Madaxweyne Trump.
Isbaddellada la qorsheynayo ayaa saameyn doona Hay’adda NISA oo dib loogu soo celinayo Mahad Salaad oo horay u soo hoggaamiyey hay’addaas, isbedelladaan waxay dhacayaan Khamiista soo socota, hadii aysan wax iska bedelin go’aanka xukuumadda.