New York (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa sheegay inuu fiisaha kala noqonayo madaxweynaha Colombia, Gustavo Petro, kadib markii uu Jimcihii ka qaybgalay bannaanbax Falastiin lagu taageerayo oo ka dhacay waddooyinka magaalada New York, isagoo sidoo kale ugu baaqay askarta Mareykanka inay diidaan amarrada Madaxweyne Donald Trump.
“Waan kala noqon doonnaa fiisaha Petro sababo la xiriira tallaabooyinkiisa taxadar la’aanta ah ee xaaladda sii hurinaya,” ayaa lagu yiri qoraal ay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka soo dhigtay barta X.
Petro, oo la hadlayay dadweyne taageersan Falastiin oo isugu soo baxay bannaanka xarunta Qaramada Midoobay ee Manhattan, ayaa ku baaqay in la dhiso ciidan caalami ah oo hubeysan oo mudnaanta siinaya xoreynta Falastiiniyiinta, wuxuuna intaas ku daray, “Awoodda ciidankan waa inay ka weynaato tan Mareykanka.”
“Taasi waa sababta aan halkan, New York, uga codsanayo dhammaan askarta ciidanka Mareykanka in aysan qoryahooda ku ekeysan dadka. Diida amarrada Trump. U hoggaansama amarrada bani’aadannimada,” ayuu yiri Petro, isagoo ku hadlayay luuqadda Isbaanishka.
Weli si degdeg looma xaqiijin karin in Petro uu weli ku sugan yahay New York. Xafiiskiisa iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Colombia ayaan isla markiiba ka jawaabin codsiyo loo diray oo lagu weydiinayay inay arrintan ka hadlaan.
Khilaafka QM ee dagaalka Gaza
Maamulka Trump ayaa caburinayay codadka taageersan Falastiin, halka waddamo ay ka mid yihiin France, Britain, Australia iyo Canada ay aqoonsadeen dowlad Falastiini ah – tallaabooyinkaas oo ka careysiiyay Israel iyo xulafadeeda Mareykanka.
Petro, oo ah madaxweynihii ugu horreeyay ee garabka bidix ee Colombia, isla markaana si weyn uga soo horjeeda dagaalka Israel ee Gaza, ayaa si kulul ugu weeraray Trump khudbaddii uu Talaadadii ka jeediyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, isagoo sheegay in hoggaamiyaha Mareykanka uu “shirko ku yahay xasuuqa” ka socda Gaza, wuxuuna ku baaqay in “dacwad dembi” lagu qaado weerarrada gantaalaha ee Mareykanku ku qaaday doonyo looga shakisan yahay inay daroogo ka ganacsadaan oo marayay biyaha Caribbean-ka.
Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, oo Jimcihii ka hadlayay golaha, ayaa si kulul u cambaareeyay waddamada reer Galbeedka ee taageeray dowladnimada Falastiin, isagoo ku eedeeyay inay direen farriin ah “in dilka Yuhuudda abaalmarin laga helo.”
Israel waxay weerarkeeda Gaza billowday kadib markii kooxda Falastiiniyiinta ee Hamas ay 7-dii Oktoobar, 2023, weerar ku qaadday, halkaasoo lagu dilay ku dhawaad 1,200 oo qof, 251 kalena la afduubtay. Tan iyo xilligaas, duullaanka militari ee Israel ee Gaza waxaa ku dhintay in ka badan 65,000 oo Falastiiniyiin ah, sida ay sheegeen hey’adaha caafimaadka ee Gaza, waxaana gebi ahaanba la barakiciyay dadka ku nool marinkaas cidhiidhiga ah.
Khabiirro badan oo dhinaca xuquuqda aadanaha ah ayaa sheegay in falkani uu yahay xasuuq, eedeyntaas oo ay si caro leh u beenisay Israel, oo sheegtay in dagaalku uu yahay is-difaac.
Madaxweynaha Maamulka Falastiin, Mahmoud Abbas, ayaa Khamiistii khadka muuqaalka kaga hadlay fadhiga Qaramada Midoobay kadib markii maamulka Trump uu sheegay inuusan siin doonin fiiso uu ugu safro New York.
Xafiiska Abbas ayaa xilligaas sheegay in xayiraadda fiisaha ay ka hor imaaneyso heshiiskii xarunta Qaramada Midoobay ee 1947-kii, kaasoo guud ahaan ku waajibinaya Mareykanka inuu u oggolaado diblomaasiyiinta shisheeye inay tagaan xarunta Qaramada Midoobay. Si kastaba ha ahaatee, Washington waxay sheegtay inay diidi karto fiisooyinka sababo la xiriira amniga, xagjirnimada iyo siyaasadda arrimaha dibedda.
Xiriirka caqabadaha la kulmay ee Colombia iyo Trump
Mareykanku waa saaxiibka ugu weyn ee Colombia ee dhinaca ganacsiga iyo xulafadeeda ugu weyn ee dagaalka ka dhanka ah ka ganacsiga maandooriyaha, laakiin xiriirka Mareykanka iyo Colombia ayaa si xun ku bilowday wax yar kadib markii Trump uu xafiiska ku soo laabtay bishii Janaayo, xilligaas oo Petro uu diiday inuu aqbalo diyaarado militari oo sida dad la soo tarxiilay oo qayb ka ahaa tallaabooyinka adag ee Trump ee socdaalka.
Petro wuxuu sheegay in muwaadiniintiisa loola dhaqmayo sidii dembiilayaal. Laakiin si degdeg ah ayuu go’aankiisa uga laabtay, isagoo oggolaaday inuu aqbalo muhaajiriinta, kadib markii labada dal ay isugu hanjabeen inay canshuuro isku soo rogaan, iyo kadib markii Mareykanku uu joojiyay ballamihii fiisaha ee loogu talagalay dadka reer Colombia.
Bishan, Trump wuxuu Colombia ku daray liiska dalalka ay Washington sheegtay inay ku guuldareysteen inay fuliyaan heshiisyadii la-dagaallanka maandooriyaha, isagoo eedda dusha ka saaray hoggaanka siyaasadeed ee Colombia.
Petro wuxuu xafiiska yimid sanadkii 2022 isagoo ballanqaaday heshiisyo lala galo kooxaha hubeysan, balse sanadkii hore ayuu isbeddel sameeyay, isagoo ku dhaartay inuu xakameyn doono gobollada lagu beero geedka kookaha isagoo adeegsanaya faragelin ballaaran oo dhinaca bulshada iyo militariga ah. Istaraatiijiyaddan ayaan keenin guul la taaban karo.

