27.1 C
Mogadishu
Tuesday, June 10, 2025

Mareykanka oo hanjabaad kasoo saaray gantaalka riddada dheer ee Kuuriyada Waqooyi

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Maraykanka ayaa si adag uga jawaabtay tijaabadii gantaalka riddada dheer ee ay Talaadadii samaysay Kuuriyada Waqooyi.

Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay inay ka jawaab celin doonto tijaabada Kuuriyada Waqooyi, haddii laga fagsan waayo.

Mareykanku waxa uu tilmaamay in talaabada noocaasi ah ay uga jawaabi doonaan awood milatari haddii ay sidaas ka fursanwaydo.

Nikki Haley oo ah Danjiraha Maraykanka ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in QM ay hor gayn doonto qaraar cusub oo ka dhan ah xukuumadda Kuuriyada Waqooyi.

Nikki Haley, waxa ay farta ku goday in Mareykanku uu ka idlaaday sabarka isla markaana ay si sharci ah ku jideysan doonto awood u sheegashada Kuuriyada Waqooyi.

Sidoo kale, Danjire Nikki Haley, ayaa tijabadaas gantaalka ah ku tilmaantay xaaladd milatari oo cirka isku sii shareeraysa, waxaa kale oo ay ku hanjabtay in ay adeegsan doonto xayiraado ganacsi.

Dhinaca kale, Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in aysan wax wadahadal ah gali doonin tan iyo inta Maraykanku uu ka soo afjarayo siyaasadda ka dhanka ah Kuuriyada Waqooyi.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News