28.9 C
Mogadishu
Monday, June 16, 2025

Mareykanka oo Itoobiya iyo Jabuuti ku daraya liiskii horey loo geliyey Soomaaliya

Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa ka fiirsanaya in si weyn loo ballaariyo xayiraadda socdaalka ee horey loo saaray dalal ay ku jirto Soomaaliya, iyadoo la qorsheynayo in gelitaanka Mareykanka laga mamnuuco ilaa 36 waddan oo dheeraad ah, sida lagu sheegay warqad sir ah oo kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Dukumintigan oo uu helay wargeyska The Washington Post, ayaa waxaa Sabtidii saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibadda Marco Rubio, wuxuuna dejinayaa muddo 60 maalmood ah oo loo qabtay waddamada la bartilmaameedsanayo si ay ula jaanqaadaan shuruudo uu Mareykanku dejiyey—haddii kale, waxay wajihi doonaan xayiraado fiisayaal ah oo buuxa ama qayb ahaan ah.

Liiska waxaa ku jira 25 dal oo Afrikaan ah—oo ay ku jiraan xulafo muhiim ah sida Masar, Itoobiya iyo Jabuuti—iyo sidoo kale waddamo ku yaalla Aasiya Dhexe, Kariibiyaanka, iyo Baasifigga. Dalal kale oo lagu magacaabay warqadda waxaa ka mid ah Suuriya, Cambodia, Kyrgyzstan iyo Vanuatu.

Warqadda ayaa sheegaysa in waddamada la tixgelinayo ay ku guuldareysteen inay soo saaraan dukumentiyo aqoonsi oo lagu kalsoonaan karo, oo musuqmaasuq baahsan uu ka jiro diiwaannada muwaadiniinta, ama ay leeyihiin tiro aad u badan oo dadkooda ah oo waqtiga fiisaha dhaafay kuna sii sugan gudaha Mareykanka si sharci darro ah.

Sababo kale oo la xusay waxaa ka mid ah: bixinta dhalashada iyada oo aan la deggenayn dalka (citizenship-by-investment), iyo eedeymo ku saabsan “falal ka dhan ah Yuhuudda iyo Mareykanka” oo lagu sameeyay gudaha Mareykanka.

Waddamada ayaa ka fursan kara cunaqabateynta haddii ay ugu dambeyn Arbacada 8:00 subaxnimo (1200 GMT) soo gudbiyaan qorshe ficil ah, ama ay oggolaadaan inay qaabilaan muwaadiniin saddexaad oo Mareykanku masaafuriyay, ama ay galaan heshiis “dal saddexaad oo ammaan ah.”

Tallaabadan cusub ayaa daba socota amar madaxweyne oo lasoo saaray 4-tii Juun, kaasoo si buuxda u xayiray socdaalka dadka ka imanaya 13 waddan—oo ay ka mid yihiin Afghanistan, Iran iyo Soomaaliya—iyo xayiraado qayb ah oo lagu soo rogay 7 dal oo kale. Haddii la hirgeliyo, qorshahaan cusub wuxuu noqonayaa tallaabo weyn oo hor leh oo lagu adkeynayo siyaasadda socdaalka Mareykanka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa diidday inay faallo ka bixiso wadatashiyada gudaha, halka Aqalka Cad aanu weli ka jawaabin su’aalaha warbaahinta.

Xisbiga Dimoqraadiga iyo ururrada u dooda xuquuqda madaniga ah ayaa si degdeg ah u cambaareeyay qorshahan, iyagoo ku tilmaamay inuu la mid yahay xayiraadihii hore ee Trump, isla markaana uu si gaar ah u beegsanayo waddamada Afrikada iyo Kariibiyaanka.

Inkasta oo Madaxweynihii hore Joe Biden uu meesha ka saaray xayiraadihii socdaalka ee Trump intii uu xilka hayay, Trump ayaa ballan qaaday inuu dib usoo celin doono siyaasaddaas—xataa isagoo ballaarinaya.

Maalintii caleema-saarka sanadkan, Aqalka Cad ayaa soo saaray amar fulineed oo amraya hay’adaha dowladda in ay aqoonsadaan waddamada leh “nidaamyo liita oo lagu hubiyo dadka safarka ku imanaya”—tallaabadan ayaana dhidib u taagtay qorshahan cusub.

Trump ayaa horey ugu hanjabay in siyaasaddan ay “ku soo noqon doonto si ka weyn sidii hore.” 

- Advertisement -

Read more

Local News