Mareykanka oo ka deyrinaaya Xaalada Ethiopia & Digniin culus oo loo kala diray Muwaadiniinta

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Mareykanka ayaa markii ugu horeysay digniin kasoo saartay xaalada sii liidaneysa ee dalka Ethiopia iyo saameynta ay ku yeelankarto Muwaadiniinteeda ku nool.

Qoraal kasoo baxay Safaarada Mareykanka ee magaalada Addis Ababa ayaa waxaa lagu sheegay inay sii adkaaneyso xaalada amni iyo mid nabadeed ee xiligaan ka jirta dalka Ethiopia.

Qoraalka ayaa waxaa loogu digay in Muwaadiniinta Mareykanka ka joogta dalka Ethiopia ay taxadar ka muujiyaan socdaalka ay ku tagaan goobaha ay ka socdaan banaanbaxyada.

Waxaa lagu sheegay qoraalka inay suuragal tahay in dhinacyada mucaaradka iyo kuwa aadka uga soo horjeeda Nabadda Ethiopia ay ka faa’iideystaan dayacnaanta Muwaadiniinta Mareykanka.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in Safaaradu ay si KMG ah u xadiday socdaalka Muwaadiniinteeda ay ku aadan goobaha ka baxsan magaalada Addis Ababa.

Nuqul kamid ah qoraalka ayaa waxaa lagu yiri “Marka la eego tallaabooyinka taxadarka leh, Safaaradda Mareykanka waxay si KMG ah u hakineysaa dhammaan safarrada ka baxsan magaalada Addis Ababa ee loogu talagalay shaqaalaha safaarada iyo muwaadiniinta”

Sidoo kale Safaarada ayaa muwaadiniinteeda ku sugan Ethiopia kula talisay in ay si dhow ula socdaan isbedelada xaalada amni,maadaama dhibaato kasto ay soo gaari karto muwaadiniinta Mareykanka ee ku nool dalka Ethiopia.

Todobaadkii hore ayey aheyd markii uu Ra’isul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn uu is casilay, si xal loogu helo kacdoonada dalkiisa ka socda ee looga soo horjeedo dowladda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com