29.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Mareykanka oo ka hadlay weriyayaal ku xiran magaalada Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka, waxay markii ugu horeysay ka hadashay wariyaal ku xiran xabsiga dhexe ee Xamar iyo xarunta CID-da ka dib markii lagu soo eedeeyay arrimo la xiriira kufsi.

Wariyaasha xiran waxaa ku jira Agaasimaha Idaacada Shabeelle , Wariye Maxamed Bashiir oo la sheegay inuu wareystay gabadha sheegatay in la kufsaday oo iyana qudheeda xiran .

Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka waxaa lagu sheegay in baaq ku aadan arintaas kufsiga loo dirayo dowlada Somalia si baaritaan qoto dheer ay arintaasi ugu sameeyaan .

Mareykanku wuxuu sheegay in loo bahan yahay in Taxadar dheeraad ah laga muujiyo arintan kusfiga ah ee loo heysto wariyaasha magaalada Muqdisho ku xiran, waxaana xukuumada washiton ay shaacisay in si qoqto dheer ah loo weydiiyo gabadha sheegatay in la kufsaday.

“Waxaan uga digeynaa hay’adaha garsoorka dowladda federaalka Soomaaliya inay caburiso saxaafadda, isla markaasna ay ku degdegto xukun ku ridida wariyaasha hadda ku xiran Muqdisho ee loo heysto arrimo la xiriira kufsiga gabadha wariyaha ah ee sheegtay inay kufsadeen wariyaal ka howlgala raadiyaha afka dowladda ku hadla” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay dowladda Mareykanka.

Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay inay haboon tahay in hey’adaha sirdoonka iyo kuwa garsoorka inay si gooni gooni ah u wareytaan Gabadha wariyaha ah ee sheegaty in la kufsaday, iyo wariyaha wareystay si loo helo xog rasmi ah kadibna go’aan laga qaato.

Shalay maxkamadda gobolka Banaadir waxay amar ku bixisay in xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho la dhigo agaasimaha Idaacadda Shabeelle iyo wariye Maxamed Bashiir oo isna ka howlgala isla Idaacadda Shabeelle iyo gabadhii sheegtay inay kufsadeen wariyaal ka tirsan Idaacadda afka dowladda Soomaaliya ku hadasha kadib dhageysiga dacwadaas.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News