Mareykanka oo lagu haysto maal-gelin urur argagixiso

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa dowlada Mareykanka ku eedeysay inay taageerto Kooxaha argagixisada ee ka dhisan dalka Suuriya.

Safiir ku-xigeenka Qaramada Midoobay u qaabilsan wadanka Iran Es’haq Al-e Habib, ayaa dowlada Mareykanka ku dhaliilay inay fangareyneyso Kooxaha argagixiso ee wali Saldhigyada ku leh Suuriya.

Es’haq Al-e Habib, ayaa ugu baaqay dowlada Mareykanka in ay Joojiso taageerada ay siineyso kooxaha argagixisada ee ku sugan gudaha wadanka suuriya.

Waxa uu Mr Es’haq Al-e Habib hadalkan ka sheegay shirka golaha amniga oo uu ka hadlaayay waxa uuna tibaaxay in ay sharci daro tahay,in Milatariga mareykanka uu ku sii sugnaado gudaha Suuriya,xilli ay socoto xal u raadinta qalalaasaha siyaasadeed ee sababay dagaalo socday sideedii sano ee la soo dhaafay.

Es’haq Al-e Habib, waxa uu sheegay inaanu suuragal aheyn in dowlada Mareykanka ay baalmarto sharciyada adduunka waxa uuna soo jeediyay in arrintaasi ay Mareykanka wax ka bedesho.

Es’haq Al-e Habib, oo ah Safiir ku-xigeenka ayaa Xukuumada washington ka dalbaday in ay joojiso maalgalinta kooxaha argagixisada ee dagaalka kula jira xukuumada Asad, iyadoo la doonaayo in taageeradaasi bedelkeeda la qaado talaabo ka wanaagsan.

Sidoo kale, Mr Es’haq Al-e Habib ayaa dagaal yahanada ajaaniibta ah ee ku suga Suuriya ugu baaqay in ay dib ugu laabtaan dalalka ay ka soo jeedaan,halka kuwa u dhashay Suuriya uu ku booriyay in ay isku dhiibaan dowlada.

“Waa in kuwa shisheeye dib ugu laabtan dalalkooda si ay u helaan cafis, dagaalyahaanada kuwa u dhashay Suuriya waa in iyaguna ay isku dhiibaan dowlada si ay u helaan cafis, waayo waxaa khaldan jihada ay ku helayaan caawinaada”

Dhinaca kale, Safiir ku-xigeenka Qaramada Midoobay u qaabilsan wadanka Iran Es’haq Al-e Habib, ayaa ka digay in dowlada Mareykanka kusii fogaato taageerida Kooxaha argagixiso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com