Wasiir hore iyo saraakiil la shaqeyn jiray oo xabsi loo dhigay musuq-maasuq

Nairobi (Caasimada Online) – Sida ay baahiyeen wargeysyada kasoo baxa magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa xabsi la dhigay Wasiirkii hore ee cayaaraha Kenya Xasan Wario iyo Saraakiil la shaqeyneysay.

Wasiirkii hore ayaa la sheegay in lala xiray Sarkaal ka tirsan xiriir cayaaraha oo lagu magacaabo Kipchoge Keino iyo laba xubnood oo kale.

Wasiirkii hore iyo Saraakiisha oo markii leysku daro gaaraya Afar xubnood ayaa lagu eedeeyay inay boobeen dhaqaale loogu talo galay Wasaarada.

Wasiirkani hore iyo Saraakiisha lala xiray oo waayadan la baadi goobayay ayaa is geeyay waaxda danbi baarista ee CID oo gal dacwadeed uu ka yiilay.

Wasiir Wario oo hada ah safiirka Kenya u fadhiya Austria iyo xubno kale oo ka tirsan wasaarada cayaaraha ayaa wajahaya eedo musuq maasuq oo ay geysteen mudada ay xilka hayeen.

Sidoo kale, xubnahaan ayaa dowlada Kenya ku eedeysay in ay lunsadeen 55 million oo loo qoondeeyay cayaartoyda dalkaas ee ka qeyb galay intii uu socday koobkii Olympic-da ee lagu qabtay magaalada Rio de Janeiro ee caasimada Brazil.

Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiintan ayaa lagu wadaa inay kasoo muuqdan maxkamada Kenya oo la sheegay in loo gudbiyay nusqooyin kamid ah dacwadooda.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com