Dowlada oo ku dhawaaqday qorsho fulinteeda ay kala kulmi doonto caqabado

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa shaaca ka qaaday in Wasaaradiisu ay gacanta ku dhigi doonto dhammaan xarumaha waxbarashada.

Wasiir Goodax, waxa uu sheegay in dowlada Somalia qorshaheeda uu yahay in dhawaan ay la wareegto 24 Iskuul oo ku yalla Magalada Muqdisho.

Waxa uu Wasiirku sheegay in Iskuulada uu sheegay ay yihiin kuwo dhamaantooda ay leedahay dowlada Somalia, isla markaana la doonaayo in dib loogu soo celsho gacanta dowlada.

Wasiirka ayaa sheegay in sidoo kale uu jiro qorsho Dowladda kula wareegeyso Iskuulada dowladda ee ku yaalla deegaanada Dowlad Goboleedyada.

Wuxuu tilmaamay Wasiirka inay jiran wadahadallo u socda dowlada iyo maamul Goboleedyada ka jira dalka oo ku aadan sidii ay uga caawin lahaayeen inay la wareegaan Iskuuladaas.

Sidoo kale, Goodax ayaa ballanqaaday in mudada uu heyn doono xilka uu sameyn doono talaabooyin hormar leh oo taariikhda u gali doonta Somalia.

Waxaa suuragal ah in dowlada Somalia ay caqabado kala kulanto la wareegida dhismayaasha iskuulada oo qaarkood ay iminka degan yihiin dad shacab ah.

Haddalka Goodax, ayaa imaanaya xili maalmihii u dambeeyay uu sheegayay in Xukuumadda Soomalaiya ay qorsheyneyso tayeynta tacliinta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com