Madaxweyne Mustaf Cagjar oo si dadban weerar ugu qaaday Cabdi Iley (Aqri)

Jigjiga (CaasimadaOnline) – Madaxweynaha  Dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Mustaf Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar), ayaa mar kale ku celshay in uusan lug ku laheyn arrimaha loo xiray Madaxweynihii hore Cabdi Cumar (Cabdi Iley).

Mustafe Cagjar, waxa uu sheegay inay jiraan Odayaal kala duwan oo kala hadlay kiiska Cabdi Cumar, hase yeeshee uu si waliba ugu cadeeyay in aysan u furneyn faragalinta kiiska xariga Cabdi Cumar.

“Odayaasha kiiska Cabdi Cumar ha kala hadlaan xeer Ilaalinta, horay waxaa arrintaan isaga fogeeyay Ra’isul wasaare Abiy oo sheegay in sharciga ay u taalo howsha Cabdi Cumar hadii ay arrintu sidaa tahay anigu iima furna inaan faragaliyo”

“Cabdi Cumar waa loo hayaa cadeyno in danbiyo uu galay waa in kiiskiisa loo madaxbaneeya Maxkamada si loo soo xiro kiska uga furan dalk”

“Dadku maaha inay dhahaan Cabdi Cumar danbi ma galin waxaa fiican in wax aan la hubin loo dhaafaa Maxkamada cid been lagu qabsanaayo ma jirto”

Cagjar, oo u muuqda mid ka meermeeraya waxyaabo badan ayaa yiri “Waxaa laga yaaba in kiiska Cabdi Cumar uu qaato sanado badan waayo kiis Maxkamadeed wakhti gaara uma go’na”

Cagjar, waxa uu carab dhabay mar uu hooygiisa ku qaabilay Odayaal ka socday dhanka Madaxweynihii hore Cabdi Cumar in arrinta maxbuuska qudhiisa uusan ka helin macluumaad rasmi ah, waxa uuna suuragal ka dhigay inuu ku dhaco xukun.

Sidoo kale, Cagjar oo muujinaya qancinta Odayaasha siyaabaha kala duwan ugala hadlaya arrinta Cabdi Iley ayaa ballanqaaday inuu ka shaqeynayo sidii uu kuwada kulmin lahaa Odayaasha iyo Ra’isul wasaaraha.

Haddalka Cagjar, ayaa kusoo beegmaya xili uu wali taagan yahay walaaca ka dhashay xariga Cabdi Cumar, waxaana aad loo saadalinayaa inuu ku dhici doono xukun.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com