Mareykanka oo malaayiin dollar ugu deeqay Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Samantha Power oo ah maamulaha hay’adda USAID ee Mareykanka oo soo gaartay gudaha magaalada Muqdisho ayaa Talaadadii la kulantay madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayadoo ku dhawaaqday taageero horleh.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay xaaladda bani’aadannimo ee dalka, horumarinta la-qabsiga cimilada iyo taageeridda dadaalka aan caadiga aheyn ee dowladda federaalka ay ugu jirto in la yareeyo saameynta xun ee Al-Shabaab ay ku leedahay Soomaaliya.

Ugu horreyn Samantha Power ayaa ka tacsiyeysay dadkii ku dhintay weeraradii ay dalka dhowaan fulisay kooxda Al-Shabaab, waxayna ballan-qaaday inay garab istaagto dadka Soomaaliyeed xilliga ay u baahan yihiin.

Dhankiisa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Mareykanka bixinta saddex meelood laba meel oo ka mid ah dhammaan deeqda dhaqaalaha ku baxaya wax ka qabashada abaaraha, taasi oo dhan ku dhawaad 1.3 bilyan oo dollar, tan iyo bilowgii sanad maaliyadeedka 2022.

Sidoo kale waxa ay isla garteen in dib loo abaabulo taageero caalami ah oo dheeri ah si loo maalgeliyo gurmadka abaaraha Soomaaliya oo wajahaysa suurta-galnimada xilli roobaadkii lixaad oo guuldarreysta.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday sidii loo heli lahaa habab kale oo casri ah oo waara oo wax looga qabto, isla-markaana loola qabsado isbeddelka cimiladu ku yeelanayaan sugnaanta cunnada ee Soomaaliya.

Waxaa kale oo ay isku raaceen in la isku duwo dadaallada lagu dhiiri-gelinayo maalgashi ballaaran oo lagu sameeyo barnaamijyada la qabsiga cimillada iyo u adkaysiga Soomaaliya.

Ugu dambeyn maamulaha hay’adda USAID Samantha Power ayaa ku dhowaaqday 5 milyan oo dollar oo USAID ay gacan uga gaysaneyso gaarsiinta adeegyada degdegga ah ee ay u baahan yihiin bulshooyinka u istaagay kacdoonka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha sida u dhow u taageero Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale ka qayb-qaataa dagaalka Al-Shabaab, isagoo ku duqeeya gobollada.