Mareykanka oo qaaday tallaabo la xiriirta Laascaano iyo jawaabta Somaliland

Laascaanood (Caasimada Online) – Mareykanka oo markale war cusub kasoo saaray xaaladda Somaliland ayaa qaaday tallaabo la xiriirta dagaalka magaalada Laascaanood.

Safiirka Mareykanka ee xafiiska kasii tagaya Larry Andre oo xiriir la sameeyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa kala hadlay arrinta Laascaanood iyo doorashada Somaliland.

Larry Andre ayaa ugu baaqay madaxweynaha Somaliland inuu ciidamada ka saaro aagga Laascaanood, si marka hore loo dhaqan-geliyo xabad joojinta.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Muuse Biixi uu awoodo in xaaladda uu dajiyo, si ay u billowdaan wadahadallada xal loogu raadinayo colaadda ka jirta halkaasi

Danjiraha Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in Biixi looga baahan yahay inuu caddeeyo xilliga ay dhacayso doorashada guud ee hoggaanka Somaliland oo horay dib ugu dhacday.

“Madaxweynaha Somaliland Biixi wuxuu awoodaa inuu abuuro jawi lagu kala qaado Ciidanka isku horfadhiya Laascaanood, sidoo kale oo ku dhawaaqo habraaca doorashada mustaqbalka Somaliland, waxaana ku dhiirageliyay isaga inuu labada sameeyo,” ayuu yiri.

Dhanka kale Somaliland oo jawaab ka bixisay arrintan, kadib war qoraal ah oo lagu daabacay bogga rasmiga ah ee Twitter-ka Telefishinka Somaliland.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu kula dar daarmay ciidamada maamulkaaasn inay sii laba jibaaraan dedaalkooda, sidoo kalea ay ka feejignaadaan weerarada uga imaan kar kooxaha kasoo horjeedo ee ku sugan Sool.

Tallaabadan ayaa u muuqata in weli Somaliland ay ku adkeysaneyso in qaab milatari oo kaliua ay u marto xalka Laascaanood, si ay usoo ceshasho gacan ku heynta magaaladaasi.