25.5 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Mareykanka oo qirtay dilka shacab Soomaaliyeed oo DF Somalia ay xaqirtay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington DC (Caasimada Online) – Taliska Africom ayaa galabta qirtay in rayid Soomaaliyeed ay ku dhinteen duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Ceelbuur bishii April 1, 2018.

Mareykanka wuxuu sida muuqata eedda dusha u saaray xog khaldan oo la siiyey iyo in Dowladda martigalisay (Soomaaliya) aaney la socodsiin waxyeelada dadka shacabka ah.

Sida horey warbixinno loogu muujiyay, badanaa xogta sirdoon ee lagu fuliyo duqeynta iyo qiimeynta ka dambeysa duqeynta markay dhacdo waxaa bixiya saraakiil Soomaali ah oo horey ay u caddaatay inay been u sheegaan Mareykanka iyagoon hubin dadka ku dhinta duqeynta.

Africom waxay sheegtay inay xogta cusub ee ay ku ogaatay dhimashada labo ruux oo rayid ah oo ku dhintay agagaarka Ceelbuur, kaddib baaritaan iskood ay u sameeyeen, ay u gudbiyeen Dowladda Soomaaliya.

Waxay Africom sheegtay inay baaritaanka ay bilawday kaddib markii culeys uu kaga yimid Congress-ka Mareykanka iyo Hay’adda Amnesty International.

Waxaa nasiib darro ah in iyadoo xitaa Mareykanka uu qirtay khalad inuu galay oo shacab Soomaaliyeed uu dilay, in Dowladda Soomaaliya aysan rabin inay ka hadasho oo ay la murugooto ehellada dadkaasi diyaaraduhu dileen.

War ay soo saartay Amnesty International ayey ku dalbatay in Mareykanka uusan kaliya ku ekaan labada ruux ee la furo baaritaan dhammaan shacabka diyaaradaha lagu duqeeyay ee Soomaaliya ka dhacay.

W/Q: Abdalle Ahmed Mumin

- Advertisement -

Read more

Local News