Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa laga yaabaa inay si hoose wada-hadallo ula billowdo kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida, taasoo qayb ka ah isbeddel ku iman kara siyaasadda Washington ee ku aaddan Soomaaliya, sida uu shaaciyey la-taliye hore oo ka tirsanaa dowladda Mareykanka.
Arrintan ayaa horseedi karta suurtagalnimada in xal laga gaaro colaadda muddada tobannaan sano ah ka taagnayd dalka Geeska Afrika, haddii Al-Shabaab ay soo dhoweyso in ay la hadasho Mareykanka
Xamza Warfa, oo horay u ahaa la-taliye ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka (State Department), asal ahaanna ka soo jeeda Soomaaliya, ayaa u sheegay taleefishinka Universal Somali TV in xalka milateri uu gaaray meel gabagabo ah, isla markaana ay suuragal tahay in maamulka Trump uu durba u gogol-xaarayo sidii wada-hadal toos ah ama mid dadban loola furi lahaa kooxda.
“Waxaa jira calaamado muujinaya in wada-hadalladu ay durbaba billaaban karaan,” ayuu yiri Warfa, isagoo aan bixin faahfaahin dheeraad ah. Wuxuu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo xal siyaasadeed, wuxuuna dhaleeceeyay maalgashiga joogtada ah ee lagu bixiyo ololaha milateri, kaasoo aan keenin isbeddel muuqda oo dhulka ah.
Hadalladan ayaa imaanaya xilli ay sii kordheyso niyad-jabka ka jira dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka ee ku aaddan dagaalka aan horumarka laga sameyn ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaasoo weli maamula dhul ballaaran isla markaana fuliya weerarro joogto ah.
Warfa wuxuu sheegay inuu damacsan yahay inuu la kulmo saraakiil ka tirsan maamulka Trump toddobaadyada soo socda si uu ugu riixo in la billaabo wada-hadallo nabadeed oo rasmi ah, kuwaasoo mudnaanta siinaya danaha Mareykanka, isla markaana Soomaalida siinaya rajo xasillooni kaddib sanado badan oo colaad ah.
Ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta Mareykanka ama kuwa Soomaaliya oo ku aaddan arrintan. Dhanka kale, ururka Al-Shabaab ayaan isna weli ka jawaabin hadalladan.
Madaxweyne Trump ayaa tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay Aqalka Cad sheegayey in uu wada-hadal ku dhammeynayo dagaallada ka socda caalamka, sida kuwa u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine, Israa’iil iyo Iiraan, iyo sidoo kale dagaalka ka socda Gaza, inkasta oo laba ka mid ah colaadahaas ay weli sii socdaan.