Mareykanka oo shaaciyey inuu duqeyn ku dilay 13 ka tirsanaa AL-SHABAAB

Beledweyne (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa faahfaahin ka bixiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo ay diyaaradahooda dagaalka 14-kii bishaan ka fuliyeen qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha waddanka Soomaaliya.

AFRICOM oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa shaaca ka qaaday in duqeyntaasi lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo weerar ku soo qaaday ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka oo ku sugnaa agagaarka deegaanka Teedaan oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inay weerarkaas dhanka cirka ku dileen ugu yaraan 13 ka tirsanaa Al-Shabaab, isla-markaana aysan jirin khasaare soo gaaray shacabka.

“Qiimaynta hordhaca ah ee taliska ayaa lagu sheegay in duqaynta lagu dilay 13 ka tirsan  Al-Shabaab, isla markaana aanay jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika.

Howlgalkan ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa ciidamada dowladda Soomaaliya, wuxuuna Mareykanku intaasi ku daray inuu sii wadi doono la dagaalanka Al-Shabaab.

Hiiraan oo ay weli ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa maalmihii u dambeeyey ka socday howl-gallo ay ka wadaan ciidamada huwanta ee ku sugan gbolkaasi.

Ujeedka dhaq-dhaqaaqyadaas ayaa ah, sidii looga hortegi lahaa weerarada kooxda Al-Shabaab, isla-markaana guud ahaan looga saari lahaa deegaannada gobolkaasi.

Sikastaba, Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka ka qayb-qaata dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab, wuxuuna sidoo kale tababar siiyaan ciidanka Danab ee Xoogga Soomalaiyeed.