Mareykanka oo digniin naxdin leh u diray siyaasiyiinta haysta dhalashada Mareykanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay hajnabaadii ugu cusleyd oo ku muujineyso inay ka go’an tahay ka hortagista musuq maasuqa hareeyey doorashooyinka dalka Soomaaliya.

Qoraal lasoo dhigay barta twitter-ka ee howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa dowladda Mareykanka ay uga digtay siyaasiyiinta Soomaalida ee haysta dhalashada Mareykanka inay ku lug yeeshaan musuq maasuqa ka socda dalka Soomaaliya.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in sharciga Mareykanka uu dhigayo in muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan meel ka baxsan Mareykanka loo ciqaabi karo haddii ay ku lug yeeshaan musuq maasuq baahsan.

Waxaa sidoo kale dowladda Mareykanka ay sheegtay inay ka go’an tahay in dalka Soomaaliya laga hirgeliyeo hanaan doorasho oo la isku haleyn karo, oo sax ah.

Xog gaar ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa muujineysa in Mareykanka uu ka carreysan yahay in la iska indho tiray baaqyada caalamiga ah, islamarkaana xildhibaano badan oo muran uu ku jiro shalay lagu dhaariyey Muqdisho.

Beesha caalamka ayaa horey u sheegtay in xildhibaano ka badan 11-ka xildhibaan ee guddiga xalinta khilaafaadka ay doorashadooda laaleen ay si sharci darro ah kusoo baxeen, ayna gaarayaan illaa 24 xildhibaan.

Siyaasiyiin badan oo ka mid ah kuwa Soomaaliya ayaa haysta dhalashada dalal kale, waxaana ka mid ah dhalashada dalka Mareykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com