MAREYKANKA oo tageero weyn u fidinaya Soomaaliya iyo tallaabo uu qaadayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa taageeraddii ugu weyneyd u fidinay dowladda federaalka Soomaaliya, xilli uu dalka ku jiro marxalad xasaasi ah.

Mareykanka ayaa ballan-qaaday in $100 Milyan oo dollar uu ku bixin doono saldhigyo cusub oo militari, oo looga gol leeyahay in ciidanka Soomaaliya ay kala wareegaan ammaanka ciidamada ATMIS dhamaadka sanadkaan.

Arrintaan ayuu Mareykanka uga dhowaaqay kulan xasaasi ah oo dhex-maray wasiirka difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Nuur Jaamac iyo Sii-hayaha safiirka Mareykanka.

Labada masuul ayaa ka wada-hadlay xoojinta dadaallada ka dhanka ah argagixisada iyo kor u qaadista amniga qaranka, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay kulankaas.

Tallaabadan ayaa imaaneysa ka gadaal markii ay dhawaan Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya ay kala saxiixdeen heshiis dhanka amniga ah oo ah  dhismaha ciidamo Soomaaliyeed oo shaqeynaya.

Heshiiskaas ayaa ciidanka Soomaalida ka saacidaya dhismaha ciidan awood u leh in ay la wareegaan masuuliyadda amniga iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, xilli ay weli dalka kasii socdaan howlgallo culus oo lagu beegsanayo kooxda.

Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waa weyn ee sida tooska ah uga qayb-qaata dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab, wuxuuna dalka ka fuliyaa duqeymo culus.

Sidoo kale wuxuu taageero milatari iyo tababar siiyaan ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.