Washington (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa shaaciyay xog xasaasi ah oo dhalisay walaac amni, taas oo ku saabsan qorshe Shiinuhu kor ugu qaadayo basaasida Washington.
Xogtan ayaa sheegaysa in Shiinuhu maalgelin ku taageerayo muwaadiniin ka soo jeeda Bartamaha Ameerika si ay gudaha dalkaasi ugu gudbiyaan siraha muhiimka u ah Washington.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio ayaa sheegay in warbixin ay heleen muujineyso sida Shiinaha uu dhaqaale fara badan ugu bixinayo dhisidda shabakad basaasiin ah oo gudaha Mareykanka ka hawl-gasha.
Rubio wuxuu intaa ku daray in dowladdiisu qaadeyso tallaabooyin lagu adkeynayo nidaamka dal-ku-galka, si gaar ahna loogu bartilmaameedsanayo dadka ka imaanaya Bartamaha Ameerika, si loo jaro xiriirka ka dhexeeya Shiinaha iyo shabakadaha khatarta ku noqon kara amniga qaranka.
Warbixin ay baahisay Reuters ayaa tilmaamaysa in cabsida Mareykanka ka qabto dhaq-dhaqaaqyadaas ay la xiriirto tartanka xooggan ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo milatariga ee kala dhexeeya Shiinaha.
Arrintan ayaa lagu tilmaamay mid kale oo hurdada u diiday maamulka Washington, oo horey uga walaacsana tabaha basaasnimo ee Shiinaha.
Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in isbahaysiyo cusub oo ka dhan ah danihiisa ay samaysanayaan dalal ay ka mid yihiin Shiinaha, Ruushka, Kuuriyada Waqooyi iyo qaar kale oo ku yaalla Aasiya iyo Afrika.

