29.9 C
Mogadishu
Tuesday, April 21, 2026

NISA oo shaacisay khasaaraha howlgal lagu beegsaday 400 oo Shabaab ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu faah-faahiyay howlal culus oo maanta ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Galgaduud, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgalka oo ay ka qayb qaateen saaxibada caalamiga lagu beegsaday goob ay isku uruursanayeen 400 oo Al-Shabaab oo ku taalla deegaanka Ceel-dhiiqo Weyne, oo u dhexeeya deegaannada Ceel-lahelay iyo Ceel-garas ee gobolka Galguduud.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in howlgalka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, isla markaana lagu dilay illaa 12 xubnood oo ay ku jiraan horjoogayaal sar sare oo ka tirsanaa kooxda.

Sidoo kale inta uu socday howgalka ayaa waxaa lagu dhaawacay 13 kale oo kamid ah maleeshiyaadka lagu diyaarinayay deegaanka la duqeeyay ee Ceel-dhiiqo Weyne.

“Howlgalkaas waxaa lagu dilay 12 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, oo ay ku jiraan horjoogayaal, halka 13 kalena dhaawacyo culus lagu gaarsiiyay, iyada oo la beegsaday xarun lagu diyaarinayay in ka badan 400 oo maleeshiyaad ah, waxaana lagu raad-joogaa haraadigii Maleeshiyaadka oo u firxaday dhanka degmada Ceelbuur.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Galgaduud, gaar ahaan deegaannada Ceel-lahelay iyo Ceel-garas oo ah halka lagu beegsaday Al-Shabaab, isla markaana jabka culus maanta lagu gaarsiiyay.

NISA ayaa maalmihii u dambeeyay xoojisay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan deegaannada HirShabelle iyo Galmudug oo ay weli ku xoogan tahay kooxda.

Howlgalka ugu dambeeyay oo dhacay todobaadkii hore ayaa waxaa lagu khaarajiyay afar horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo kamid ah madaxda kooxda ee sida weyn loo raadinayo, isla markaana ku sugnaa  deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan.

Ciidamada ayaa si gaar ah u beegsaday xarun ay horjoogeyaashan ku sugnaayeen, iyada oo si buuxda loo soo afjaray dhammaan horjoogeyaashan iyo ku dhowaad 10 ka tirsan maleeshiyaadka Argagixisada.

Si kastaba, Howl-galkan ayaa qeyb ka ah bartilmaameedyada joogtada ah ee Dowladda Federaalka oo kaashanaysa shacabka iyo saaxiibada caalamka ay kula dagaalamayaan kooxda Al-Shabaab.

- Advertisement -

Read more

Local News