Mareykanka oo war cusub ka soo saaray khilaafka ka dhex taagan Farmaajo iyo Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay sarkaakil ka tirsan dowladda Mareykanka, gaar ahaan kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee Afrika.

Wasiirka iyo Mary oo wasaaradda dibadda Mareykanka u qaabilsan arrimaha Afrika ayaa ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah oo ay ka mid tahay doorashada Soomaaliya ee 2021-ka.

Mareykana ayaa shaaca ka qaaday in looga baahan-yahay Farmaajo iyo Rooble in ay xalliyaan khilaafka dhexdooda ah, si loo dadajiyo doorashooyinka billowday.

Labada dhinac ayaa sidoo kale kulankooda inta uu socday ku soo hadal qaaday arrimaha gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan xaaladihii ugu dambeeyey ee soo kordhay.

Dhinaca kale dowladda Mareykanka, gaar ahaan waaxdeeda arrimaha Afrika ee wasaaradda arrimaha dibadda ayaa ballan qaatay inay xoojin doonaan taageerada Mareykanka ee Soomaaliya, gaar ahaan garab istaagga dowladda iyo shacabka.

Mareykanka ayaa si gaar ah u shaaciyey inuu xoojin doono ka qeyb qaadashada howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u taageero Soomaaliya, wuxuuna howl-gallo dhanka cirka ah ku beegsadaa xoogaga Al-Shabaab ee dagaalka ka wada gudaha dalka.

Si kastaba, ballan-qaadka cusub ee uu Mareykanka u sameeyey Soomaaliya ayaa ku soo aadayo, iyada oo maanta ay ku beegan tahay xuska sanad guurada 4 ee qaraxii Zoobe.