Dhaq-dhaqaaqyo dagaal oo ka billowday GURICEEL iyo wararkii ugu dambeeyey

Guriceel (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay, illaa saaka dhaq-dhaqaaqyo culus oo iska soo horjeedo ay ka bilowdeen deegaano hoostaga magaalada Guriceel oo ay dhowaan qabsatay Ahlu Sunna Waljamaaca.

Galmudug ayaa xoojisay abaabulka dagaal ee ka socda gobolka Galgaduud, isla-markaana lagu wajahayo Ahlu Sunna, si dib looga saaro magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in saaka ciidamadii ugu badnaa oo wata gaadiidkooda dagaalka ay ka baxeen magaalada Dhuusamareeb, iyaga oo gaaray deegaanka Ceeldheere, halkaas oo ay ka sameysteen fariisimo ciidan, iyaga oo ku biiray ciidamo horey ugu sugnaa halkaasi.

Ciidamadan ayaa qayb ka ah gulufka dagaal ee ay Galmudug ku wajahayso Ahlu Sunna oo dib ugu soo rogaal celisay deegaanada maamulkaasi.

Dhinaca kale ciidamada Ahlu Sunna ayaa dhankooda dhaq-dhaqaaqyo ka wada Guriceel, waxaana difaacyo cusub ay ka sameysteen bannaanka magaaladaasi.

Dadka deegaanka ayaa dhanka kale lagu soo warramayaa inay bilaabeen barakac xoogan, waxaana soo wajahday cabsi ka dhalatay dhaq-dhaqaaqyada ay wadaan labada dhinac.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan dhaq-dhaqaaqyada haatan u socda ee u dhexeeya ciidamada Galmudug iyo kuwa Ahlu Sunna.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana markasta laga cabsi qabaa in dagaal uu qarxo, maadaama labada ciidan y xoojiyeen abaabuulkooda dagaal.