Xog: Al-Shabaab oo weeraro u qorsheysay MUQDISHO + Goobaha la beegsan karo

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adaha amniga Soomaaliya ayaa ka digay weeraro xooggan iyo qaraxyo ay kooxda Al-Shabaab qorsheyneyso inay ka fuliso Muqdisho, sida ku cad qoraalka digniinta oo ay aragtay Caasimada Online.

Digniinta oo loo diray ilaalada madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegau in Al-Shabaab ay qorshaynayso in gaari noociisu yahay Fiat 110 xamuul ah oo ay ka soo buuxisay walxaha qarxa ku weerarto xarumo ka mid ah kuwa dowladda.

Goobaha la xusay, ee ay suurta-galka tahay in Al-Shabaab ay beegsato, ayaa waxaa ka mid ah xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, xarunta Taliska Ciidanka Xoogga iyo Xerada Damaanyo oo ay degan yihiin Ciidanka Gorgor. 

Digniinta ay aragtay Caasimada Online ayaa sidoo kale lagu sheegay in 

Al-Shabaab ay doonayaan in gaadiid ay ka soo buuxiyeen walxaha qarxa ay ku weeraraan bartilmaameedyada ay ka mid yihiin; hoteellada ku yaalla Xeebta Liido, koontaroolada laga ilaaliyo madaxtooyada qaranka, iyo xarunta taliska booliska ee qeybta guud ee gobolka Banaadir. 

Al-Shabaab ayaa la sheegay inay adeegsan karaa baabuur ay ka mid yihiin Runeed kalarkeedu yahay buluug, Layla kalarkeedu yahay cagaar, iyo Dayno kalarkeedu yahay caddaan. 

Inkasta oo digniinta lagu sheegay in weeraradan loo adeegsan karo baabuur, haddana waxaa sidoo kale suurta-gal ah in Al-Shabaab ay weerarada u adeegsato shaqsiyaad soo xirta jaakadaha qaraxyada.

Bilihii tegay Al-Shabaab ayaa inta badan qaraxyadeeda u weecisay shaqsiyaadka xirta jaakadaha qarxa ee is-miidaamiya, kadib markii ay hay’adaha ammaanka inta badan ka hortageen baabuurta laga buuxiyo walxaha qarxa.