Norway: Weerar lugu fuliyey hub nooc cusub ah oo dad badan lagu dilay + Sawirro

Oslo (Caasimada Online) – Nin ku hubeysan qaanso iyo fallaan ayaa shan qof ku dilay, laba kalena ku dhaawacay weeraro dhowr ah oo habeenkii Arbacada ka dhacay magaalada Kongsberg ee dalka Norway, sida ay sheegeen booliska.

Ninka lagu tuhmayo weerarka ayaa la qabtay, sida ay sheegeen booliska.

“Ninka wuxuu weerarada qaar u adeegsaday qaanso iyo fallaar,” waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay Oeyvind Aas oo ah madaxa booliska Kongsberg. Booliska ayaa sidoo kale baaraya haddii hub kale loo adeegsaday weerarka. 

“Ninka waa la xiray…akhbaaraadka aan illaa hadda hayno, qofka wuxuu ficilladan fuliyey keligiis,” ayuu yiri Aas.

Dadka la dhaawacay ayaa waxaa ka mid ah sarkaal boolis ah oo aan xilligaas shaqo ku jirin. 

Dhimashadan ayaa ah tii ugu badneyd ee ka dhalata weerar ka dhaca Norway tan iyo 2011, markaasi oo xagjir midig-fog ah Anders Behring Breivik uu dilay 77 qof oo badankood ahaa dhallinyaro ku jiray xiro. 

Weerarka Arbacada ayaa ka dhacay meelo kala duwan oo ka mid ah Kongsberg, oo ah magaalo ay ku nool yihiin 28,000 oo koonfur bari 68 km ka xigta magaalada caasimadda ah ee Oslo. 

Dowladda ayaa sheegtay in booliska ay billaabeen baaritaan baaxad weyn. 

“Warbixinada ka imanaya Kongsberg caawa waa kuwa argagax leh,” waxaa sidaas tiri ra’iisul wasaare Erna Solberg, oo intaas ku dartay in xaaladda ay hadda gacanta ku hayaan booliska, shacabkuna isdejiyaan.

Taliyaha booliska Aas ayaa sheegay inay baarayaan haddii weerarkan uu yahay ficil argagixiso iyo in kale.