Mareykanka oo war cusub kasoo saaray duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareynkanka ayaa warbixin cusub kasoo saartay duqeymaha dhanka cirka ah ee ay ka fuliso gudaha dalka Soomaaliya, taas oo lagu beegsado dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in ay yaraatay warbixinnada khasaaraha dadka rayidka ah ka soo gaara weeraradaasi, kadib markii hoos loo dhigay adeegsiga duqeymaha.

Warbixintii u dambeysay ee kasoo baxday AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in taliska uusan wax warbixin ah soo saarin in ka badan muddo hal sano ah.

“Saddexdii bilood ee u dambeeyay warbixintii qiimaynta khasaaraha rayidka, Taliska Mareykanka ee Afrika ma helin warbixinno cusub oo ku saabsan khasaaraha rayidka, mana jiraan wax qiimayn ah oo furan ama dib u eegis lagu samaynayo hadda,” ayuu yiri talisku.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in Mareykanka uu laba jibaarayo taageerada iyo garab istaago uu markasta u muujiyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka sida weyn uga qayb-qaata dagaalka culus ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab, isaga oo sidoo kale tababaro siiyo ciidamada Xoogga Soomaaliyeed.

Si kastaba, weerarkii ugu dambeeyey ee Mareynkanka fuliyo ayaa dhacay 22-kii bishii February ee sannadkan, kaas oo laga fuliyey deegaanka Duduble ee gobolka Hiiraan.