Mareykanka oo weeraray goobo hub u yaallay Xuutiyiinta

Washington (Caasimada Online) – Milateriga Maraykanka ayaa sheegay inay burburiyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay isticmaalayeen kooxda Xuutiyiinta iyo weliba gantaallada lagu weeraro maraakiibta oo yaallay gudaha Yemen iyo badda cas.

Weerarkan ayaa yimid ka dib markii la sheegay inay halis degdeg ah ku yihiin gaadiidka ganacsi iyo maraakiibta dagaalka ee Maraykanka.

Taliska dhexe ee Maraykanka ayaa sheegay inay bartilmaameedsadeen afar diyaaradood oo ah nooca is wada, iyo laba ka mida gantaallada lagu weeraro maraakiibta, kuwaas oo xilligaas ay kooxda xuutiyiintu qorshaynayeen inay weeraro ku fuliyaan.

Milateriga Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay inay soo rideen qaar ka mida diyaaradaha yaryar ee droneska oo xilligaas dul heehaabayey markab ganacsi oo marayey badda cas.

Maraykanka ayaa weerarkan fuliyey Khamiistii iyo Jimcihii.

Reuters + VOA