31.9 C
Mogadishu
Friday, April 24, 2026

Markab laga leeyahay Pakistan oo lagu afduubtay biyaha Soomaaliya

Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka aan ka helayno gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in koox burcad-badeed ah ay saacadihii la soo dhaafay xeebaha degmada Bandarbayla ku qabsadeen markab siday shidaal.

Markabkan oo la sheegay inuu ku sii jeeday dekedda Garacad ayaa laga leeyahay dalka Pakistan, waxaana saaran 11 shaqaale ah oo u kala dhashay dalalka Hindiya iyo Pakistan, sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in markabka la afduubtay xilli uu marayay meel qiyaastii 30 mayl u jirta degmada Bandarbayla, ka hor inta aan loo jiheynin xeebaha deegaanka.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in markabka hadda lagu hayo deegaan lagu magacaabo Dharinbaar oo ka tirsan degmada Bandarbayla, halkaas oo ay ku sugan yihiin kooxdii afduubka geysatay.

Kooxda burcad-badeedda ah ayaa la sheegay inay wajahayaan cadaadisyo kala duwan oo uga imaanaya dadka deegaanka iyo mas’uuliyiinta maamulka Puntland.

Warar soo baxaya ayaa sidoo kale tilmaamaya inay jirto suurtagalnimada in kooxdaasi ay ka degaan markabka, maadaama uu u raran yahay ganacsato Soomaaliyeed.

Afduubkan ayaa kusoo aadaya xilli bishii Maarso ee la soo dhaafay ay koox kale oo burcad-badeed ah lacag madax-furasho ah ka qaateen markab kalluumeysi oo ay ku heysteen isla degmada Bandarbayla.

Si kastaba, afduubkan ayaa muujinaya caqabadaha joogtada ah ee ka jira amniga badda ee biyaha Soomaaliya. Soomaaliya ayaa waxaa muddo sanado ah aafeeyay burcad-badeednimo, taas oo heerkeedii ugu sarreeyay gaartay sanadkii 2011, markaas oo Qaramada Midoobay ay sheegtay in 160 weerar ka badan laga diiwaan-geliyay xeebaha Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News