MARKAB saliid sida oo uu leeyahay SACUUDIGA oo gantaallo lagu garaacay

Sanca (Caasimada Online) – Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa weerar ku qaaday Markab sida saliid oo Sacuudiga leeyahay, kaasi oo marayey Badda Cas, islamarkaana u gaystay waxyeello, sida ay sheegeen isbaheysiga Sacuudiga iuu hoggaamiyo ee dagaalka ka wada Yemen.

“Markab saliid oo Sacuudigu leeyahay ayaa waxyeello yar ay kasoo gaartay weerar ay soo qaadeen Xuutiyiinta” ayaa lagu yiri bayaan lagu baahiyey warbaahinta dowladda Sacuudiga. Lama shaacin nooca markabkan iyo qaabka loo weeraray intaba.

Taleefishinka Almasirah ee Xuutiyiinta ayaa goor sii horeysay ku baahiyey twitter-ka inay beegsadeen markabka Dammam oo socday xeebta galbeed ee Yemen, mana bixin faahfaahin intaas dheer. Xuutiyiinta ayaa sidoo kale gantaallo ku garaacay gudaha Sacuudiga.

Sacuudiga ayaa hakiyey dhammaan maraakiibtii siday saliidda uu dalkaas dhoofiyo ee la mariyo marinka Bab Al-Mendab kadib weerarka, sida uu sheegay wasiirka tamarta dalkaas, Khalid al-Falih.

Isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ayaa mid ka mid ah sababaha ay dagaalka uga wadaan Yemen ku sheegay inay ilaaliyaan marinka Badda Cas, oo ay maraan maraakiibta saliidda bariga dhexe iyo badeecadaha geeya Yurub, ayada oo lasii marsiiyo kanalka Suez.

Waxay horey u sheegeen in sidoo kale ay fashiliyeen weeraro kale oo ka dhan ahaa maraakiib bilihii April iyo May ee sanadkan.

Caasimada Online
Xafiiska Jeddah
Caasimada@live.com