Markab u rarnaa ganacsato reer Puntland ah oo gubtay

Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) โ€“ Markab xamuul oo kasoo baxay magaalada Jamnagar ee gobolka Gujarat ee dalka Hindiya, kuna sii jeeday magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa dab weyn ku qabsaday xeebaha Gujarat.

Markabka ayaa sidey shixnado ganacsi oo ka koobnaa 950 tan bariis ah iyo 100 tan sonkor ah, sida ay sheegayaan xogaha hordhaca ah ee la helayo.

Badeecadaha saarna markabkaasi ayaa waxay u rarnaayeen oo lahaa ganacsato Soomaaliyeed oo reer Puntland ah, kuwaas oo dalka keena raashinka.

Sawirro iyo muuqaal ay faafiyeen warbaahinta Hindiya ayaa muujinaya holac iyo qiiq madow oo ka baxaya markabka dushiisa, waxaana ay sheegeen in uu dabku ku sii fidayo markabka, balse uu socdo gurmad Samata-bixin ah.

Maamulka markabka ayaa sheegay in saddex gaari dab-damis ah, ambalaasyo iyo ciidamo boolis ah loo diray goobta si ay uga qayb qaataan daminta dabka iyo gurmadka degdegga ah.

Markabkan ayaa waxaa maamuleysay shirkadda HRM oo fadhigeedu yahay Jamnagar ee Hindiya, hase yeeshee illaa hadda lama oga sababta keentay dabkan.

Shilalka noocan oo kale ah oo ay la kulmaan doonyaha iyo maraakiibta shixnadaha ganacsiyada usoo rara Boosaaso ayaa marar badan soo noqnoqda.

Sababta ugu weyn ayaa lagu tilmaamaa taxadar laโ€™aanta xilliyada bad-xiranka ee u dhaxeeya bisha May ilaa September, markaas oo baddu khatar badan leedahay.

22-kii April ee sanadkaan 2025 ayey aheyd markii markab shidaal siday oo ku wajahnaa Imaaraadka Carabta uu dab qabsaday, isagoo dhex marayay Badweynta Hindiya, meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya.

Markabkaas oo si gaar ah ugu jeeday magaalada Fujairah ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, ayaa watay calanka Jasiiradda Marshall Islands.

Ciidamada badda ee dalka Hindiya oo ku sugnaa meel u dhow goobta uu markabku ku xanibmay ayaa si deg-deg ah uga jawaabay baaqa gurmadka.

- Advertisement -

Read more

Local News