Asmara (Caasimada Online) – Eritrea iyo Masar ayaa diiday in wadamada aan xeebaha lahayn ay ka qayb qaataan sugidda amniga Badda Cas, iyagoo ula jeeda Itoobiya, waxayna sheegeen in maamulka marin-biyoodkan ay tahay inay hoggaamiyaan “dalalka ku teedsan Badda Cas”
Go’aankan ayaa laga shaaciyey war kasoo baxay madaxtooyada Masar, kaddib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea, Cismaan Saalax, uu Axaddii booqasho ku tagay Qaahira.
Diidmada Masar iyo Eritrea ayaa imaneysa ayada oo Soomaaliya iyo Itoobiya ay u socdaan wada-hadallo ku saabsan sidii Muqdisho ay marin bad u siin laheyd Addis-Ababa, kadib markii labada dal ay ka heshiiyeen khilaaf u dhaxeeyey.
Afhayeenka madaxtooyada Masar, Danjire Maxamed Al-Shennaawi, ayaa sheegay in Cismaan uu farriin uu ka siday Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, uu gaarsiiyay Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Sisi. Madaxweyne Al-Sisi ayaa dhankiisa xaqiijiyay in “Masar ay ka go’antahay xoojinta xiriirka labada dal.” Waxa kale oo uu tilmaamay in wadahadalladu ay diiradda saareen “xasiloonida gobolka iyo iskaashiga dhinaca amniga.”
Kulanka, oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar Badr Cabdalaati iyo Madaxa Hay’adda Sirdoonka Guud Rashad Xasan, ayaa sidoo kale looga hadlay amniga Badda Cas.
Labada dal ayaa carrabka ku adkeeyay in “dalalka xeebaha leh” ay tahay inay hoggaanka u qabtaan maamulka marinka biyahaas, iyagoo si adag u diiday “in ay farageliyaan dalalka aan xeebaha lahayn,” oo loola jeedo Itoobiya oo raadineysa bad.
Booqashada ayaa timid kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, uu Khamiistii khudbad uu baarlamaanka ka jeediyay ku tilmaamay marin u helidda Badda Cas inay Itoobiya u tahay “arrin muhiim u ah jiritaankeeda,” balse meesha ka saaray inay Eritrea “ku duulayaan.”
Waxa uu carrabka ku adkeeyay in xal kasta lagu saleeyo “is-faham” iyo “mabaadii’da suuqa,” isagoo ka digay in haddii aan arrintan xal laga gaarin ay mustaqbalka sababi karto caqabado badan.
Dhanka kale, Cismaan ayaa hore u sheegay in Eritrea ay “la yaabban tahay” waxa uu ku tilmaamay “hanka khaldan iyo fikirka gaboobay” ee Itoobiya ay ku raadineyso marin biyood, ha noqoto “diblomaasiyad ama awood milateri.”
Waxa uu beesha caalamka ugu baaqay inay hubiso in Itoobiya ay ixtiraamto “madax-bannaanida iyo wadajirnimada dhuleed ee dalalka dariska ah.”
Kulankii Axadda dhexmaray Eritrea iyo Masar ayaa sidoo kale lagu soo qaaday xaaladaha Suudaan iyo Soomaaliya, iyadoo walaac laga muujiyay “colaadda muddada dheer socotay ee Suudaan” iyo saamaynta ay gobolka ku leedahay.
Labada dhinac ayaa mar kale xaqiijiyay taageeradooda “dadaallada nabadda lagu soo celinayo,” waxayna ku celceliyeen muhiimadda ay leedahay “xasiloonida Soomaaliya si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo ilaalinta amniga gobolka.”
Safarkii Cismaan ee Qaahira ayaa yimid kaddib booqasho uu hore ugu tegay Riyadh, halkaas oo uu kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga, Amiir Faysal bin Farxaan bin Cabdallaah.
Kulankaas ayuu sidoo kale farriin ka siday Madaxweynaha Eritrea oo uu gaarsiiyay Dhaxal-sugaha ahna Ra’iisul Wasaaraha Sacuudiga, Maxamed bin Salmaan bin Cabdulcasiis.
Labada wasiir ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo arrimaha muhiimka ah ee gobolka, iyadoo kulanka uu goob joog ka ahaa Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Sacuudiga, Injineer Waliid bin Cabdikariim Al-Khureyji.