Qaahira (Caasimada Online) – Masar ayaa ciidamo dheeraad ah geysay xadka ay la wadaagto Marinka Gaza, iyadoo ay soo kordhayaan cabsi laga qabo in qorshaha Israel ee ah inay qabsato marinkaas uu Falastiiniyiinta ku riixi karo gudaha Waqooyiga Siinaay, sida uu sarkaal sare oo ka tirsan milateriga u sheegay Middle East Eye.
Wuxuu sheegay in hadda Waqooyiga Siinaay la geeyay ilaa 40,000 oo askari, taasoo ku dhow laba jibaarka tiradii lagu oggolaa heshiiskii nabadda ee Masar iyo Israel ee 1979-kii.
“Ciidanka Masar wuxuu ku jiraa heerkii ugu sarreeyay ee feejignaan ah oo aan la arag sannado badan,” ayuu yiri sarkaalka.
Tallaabadan ayaa timid kaddib amarro toos ah oo ka soo baxay Madaxweyne Cabdifataax al-Sisi, isagoo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, kana dambeeyay kulan uu la yeeshay Golaha Sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Golaha Amniga Qaranka, ayuu raaciyay.
Wuxuu sheegay in Israel ay doonayso inay burburiso Xamaas ayna tiro badan oo Falastiiniyiin ah ku qasabto inay ka baxaan Gaza, waana aragti ay Masar si adag u diidan tahay.
Ciidamada Masar ayaa hadda fariisimo ka samaystay qaybo kala duwan oo Waqooyiga Siinaay ah, oo ay ku jirto “Aagga C,” oo ah deegaanka ku dhow Marinka Gaza, ayuu intaa ku daray.
Masar waxay Israel ku wargelisay ciidamadan dheeraadka ah, taasoo dhalisay cabashooyin la xiriira baaxadda ciidanka iyo joogitaankooda aagagga mamnuuca ah.
“Masar waxay ku adkaysanaysaa in abaabulkani yahay mid difaac ah, laakiin waxay si isku mid ah u caddeysay in weerar kasta oo lagu soo qaado dhulkeeda lagaga jawaabi doono si aan gabbasho lahayn,” ayuu yiri sarkaalka.
Gaadiidka gaashaaman, hababka difaaca hawada, ciidamo gaar ah iyo taankiyada dagaalka ee nooca M60 ah ayaa la geeyay magaalooyinka ku dhow ee Rafah iyo Sheikh Zuweid iyo sidoo kale agagaarka tuulada al-Joura ee ku dhow xadka Gaza.
“Saraakiisha xiriirka ee Masar waxay dhiggooda Israel u sheegeen in tallaabooyinkan dambe ay yihiin kuwo difaac ah oo keliya, loogana gol leeyahay in lagu sugo amniga xadka xilli ay xiisaduhu sii kordhayaan,” ayuu sarkaalku raaciyay.
Xariiq Cas
Horraantii bishan, Guddoomiyaha Waqooyiga Siinaay, Khaled Megawer, ayaa digniin kulul u diray Israel oo ku aaddan weerar kasta oo ay suuragal tahay inay ku soo qaaddo Masar.
Isagoo warbaahinta kula hadlayay marinka xadka ee Rafah, su’aalo laga weydiiyay suurta-galnimada iska hor-imaad dhexmara Israel, ayuu Megawer yiri: “Cid kasta oo ku fikirta inay u soo dhowaato xadkeena, waxay la kulmi doontaa jawaab lama filaan ah oo gilgili doonta.”
Megawer, oo horay u soo noqday janaraal ciidanka ka tirsan iyo madaxa sirdoonka milateriga, ayaa hadalkan jeediyay xilli ay sii kordhayso welwelka laga qabo in qabsashada la qorsheeyay ee Israel ee Gaza ay horseedi doonto dhibaato barakac oo baaxad leh.
Tan iyo markii uu bilowday duullaanka Israel ee Gaza, waxaa jiray isku dayo la soo sheegay oo lagu doonayay in si qasab ah looga barakiciyo boqollaal kun oo Falastiiniyiin ah Marinka Gaza.
Waqooyiga Siinaay ayaa muddo dheer loo arkayay meel suurtagal ah oo loo raro Falastiiniyiinta la barakiciyay, waana fikrad dhowr jeer soo noqnoqotay tobannaan sano. Si kastaba ha ahaatee, Qaahira waxay weli u aragtaa arrintan mid xariiq cas ah.
Horraantii sannadkan, mala-awaalku wuxuu dib u soo cusboonaaday markii Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, uu soo jeediyay in Masar iyo Urdun ay qaabilaan Falastiiniyiinta ka soo cararaya dagaalka.
Jawaabta Masar waxay ahayd mid cad oo aan leexleexad lahayn.
“Marnaba lama aqbali karo lamana oggolaan karo in Falastiiniyiinta la soo raro,” ayuu yiri Madaxweyne Cabdifataax al-Sisi xilligaas. “Xalku ma aha in dadka Falastiiniyiinta ah laga raro dhulkooda.”
Dareenkaas ayaa si weyn uga dhex muuqda Waqooyiga Siinaay, halkaas oo bulshooyinku ay ku noolaayeen dhul isku mid ah jiilal badan, ayna u arkaan barakicinta qasabka ah ee Falastiiniyiinta mid caddaalad-darro ah oo xasiloonida wax u dhimaysa.
“Dhulkeenu wuxuu hoy u yahay qabuuraha awoowayaasheena, marnabana cid kale lama wadaagi karno,” ayuu Middle East Eye u sheegay oday 78 jir ah oo ka tirsan qabiilooyinka Sheikh Zuweid, kaasoo codsaday inaan magaciisa la sheegin.
Bishii Abriil, xildhibaanno iyo hoggaamiyeyaal qabaa’il ayaa isugu yimid magaalada El-Arish, caasimadda Waqooyiga Siinaay, si ay u meel mariyaan mowqifkooda ah in Siinaay aysan marnaba noqon waddan beddel u ah Falastiiniyiinta ka soo qaxaya Gaza.
Sheekh Salama al-Ahmar oo ka tirsan qabiilka al-Tarabin ayaa yiri: “Waan garab taagannahay Gaza, laakiin maaha mid lagu khasaarinayo dhulka Siinaay ama madax-bannaanida Masar.”
Duullaanka ba’an ee Israel ka waddo Gaza ayaa dhaliyay su’aalo ku saabsan sida ay Masar uga jawaabi lahayd isku dayo barakicin oo ballaaran ama dhaq-dhaqaaq militari oo kordha meel u dhow xadka Rafah, oo ah iridda keliya ee Gaza u furan caalamka intiisa kale marka laga reebo Israel.
“Maalmaha soo socda ayaa tijaabo adag ku noqon doona diyaar-garowga amni ee Masar iyo awooddeeda diblomaasiyadeed ee ay ku maareyso dhibaatada Gaza iyadoon wax u dhimin danahaheeda istiraatiijiyadeed,” ayuu Middle East Eye u sheegay falanqeeye siyaasadeed oo codsaday inaan magaciisa la shaacin.
“Weerar baaxaddan leh oo Israel qaaddo wuxuu kicin karaa musiibo bini’aadanimo, taasoo ku qasbi karta Falastiiniyiinta inay si wadar ah uga qaxaan Gaza, waana xaalad ay Israel laga yaabo inay ku xisaabtamayso si ay dadka uga faarujiso Gaza ayna weligeed u wiiqdo awoodda Xamaas,” ayuu falanqeeyuhu raaciyay.
Xiriir dhaqaale iyo xiisado siyaasadeed
In kasta oo ay jirto taageero ballaaran oo shacabku u hayo qadiyadda Falastiin, Masar iyo Israel waxay ilaashadeen xiriir adag tan iyo markii ay kala saxiixdeen heshiiskii nabadda ee uu Maraykanku garwadeenka ka ahaa sannadkii 1979-kii. Masar waxay ahayd dalkii ugu horreeyay ee Carbeed ee xiriirka la caadiyeeyay Israel.
Sida ku cad heshiiska, Gacanka Siinaay waxaa loo qaybiyay aagag leh xaddidaadyo adag oo ku saabsan gaynta ciidamada iyo hubka culus.
Sannadihii la soo dhaafay, waxaa la sameeyay ka-dhaafitaanno la isku afgartay, gaar ahaan kaddib kacaankii Masar ee 2011, markaasoo milaterigu uu kordhiyay joogitaankiisa si uu ula dagaallamo kooxaha fallaagada ah ee Siinaay.
In kasta oo hadallada siyaasadeed ee Israel iyo Masar ay inta badan ahaayeen kuwo taxaddar leh, iskaashiga amniga iyo kan dhaqaalaha ayaa si isdaba joog ah u sii qoto dheeraanayay.
Heshiis ballaaran oo dhowaan la galay oo gaaska looga soo dhoofsanayo Israel ayaa muran ka dhaliyay Masar, maadaama la saxiixay xilli uu socdo duullaanka Israel ee Gaza, kaasoo lagu dilay in ka badan 62,000 oo Falastiiniyiin ah.
“Qaahira waxay qaadataa mowqif adag oo ka dhan ah Israel marka ay timaado arrimaha Gaza iyo Falastiin, halka ay dhanka kale ilaashanayso xiriir dhaqaale oo danta ku dhisan,” ayuu Middle East Eye u sheegay sarkaal hore uga tirsanaa sirdoonka guud iyo khabiir amni qaran, isagoo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo.
Xiriirkaas waxaa ka mid ah soo dejinta gaaska Israel si loo daboolo baahida gudaha iyo in dheeraadka loo dhoofiyo Yurub, iyo sidoo kale iskaashiga hoos yimaada heshiiska Aagagga Warshadaha ee Loo-aqoonsaday (Qualifying Industrial Zones – QIZ).
“Masar waxay sidoo kale ka faa’iideysataa kaalmada milateri ee Maraykanka ee hoos timaada heshiiska nabadda, iyadoo ciyaaraysa door dhex-dhexaadin muhiim ah oo ku aaddan Gaza, taasoo xoojinaysa maqaamka Qaahira ee gobolka iyo caalamkaba,” ayuu raaciyay.
Si kastaba ha ahaatee, duullaanka Gaza wuxuu xiriirka labada dal gaarsiiyay heerkii ugu hooseeyay muddo tobannaan sano ah.
Qaahira waxay u aragtaa ololaha Israel mid khatar ku ah xasiloonida xadka, dharbaaxo ku ah dadaalladeeda dhex-dhexaadinta, iyo halis suurtagal ah oo ku wajahan sii jiritaanka heshiiska nabadda.
Qodobka ugu weyn ee khilaafka dhaliyay waa qabsashada Israel ee Marinka Philadelphi, oo ah dhul ciriiri ah oo ku teedsan xadka Masar iyo Gaza, kaasoo la qabsaday bishii Maajo 2024.
Masar waxay ku doodaysaa in tallaabadani ay jebinayso heshiiska nabadda, halka Israel ay sheeganayso inay tahay aag difaac ah oo lagama maarmaan u ah ka hortagga tahriibinta hubka.