Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Masar ayaa dadaal xoogan ugu jirta sid ay Somalia uga dhisan laheyd Saldhig militery.
Dowlada Masar ayaa la xaqiijiyay in muddo laba jeer ay DFS ka dalbatay ogolaansho la xiriira in Saldhig militery laga siiyo Somalia.
Madaxweynaha Masar Abdifitax Al siisi ayaa dhawaan dhigiisa Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ka dalbaday in lasiiyo dhul ay ka dhistaan Saldhig militery, waxaana dalabkaasi ka caga jiiday Farmaajo.
Dowladii hore ee Somalia ayaa sidoo kale diiday in Masar ay dhul militery ka siiso Somalia, sababo la xiriiray calaaqada kala dhexeysay Ethiopia.
Dowlada Masar ayaa dagaal dadban kula jirta dowlada Ethiopia, waxa ayna Somalia ka caga jiideysaa inay dhextaal u noqoto labada dowladood oo aan xiriirkooda wanaagsaneyn.
Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi ayaa dhawaan gaari doona dalka Masar oo uu ka helay casuumaad rasmi ah.
Booqashada Madaxweynaha ayaa waxaa kamid noqon doona qodobka Saldhiga ay Masar ka dooneyso Somalia, waxaana la ogeyn in Farmaajo uu aqbali doono iyo inkale.
Somalia ayaa waxaa Saldhigyo militery ku leh dhowr dowladood oo ay kamid yihiin Turkiga, Mareykanka, Britain iyo dowlado oo xiriir la leh Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]