Nin Hubeysan oo dad ku dilay kuna dhaawacay degmada Caabudwaaq

Caabudwaaq (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in nin hubeysan uu dad ku dilay kuna dhaawacay degmadaasi.

Ninka hubeysan ayaa seddex ruux ku dilay 15 kalana ku dhaawacay rasaas uu ku furay goob ay ku sugnaayeen dad badan oo gargaar loo qeybinayay, sida dadka deegaanka ay warbaahinta u sheegeen.

Wararka aan ka heleyno degmada Caabudwaaq ayaa sheegaya in ruuxa falkaasi geystay uu ka carooday habka loo qeybinayay raashiinka gargaarka ahaa.

Maamulka degmada Caabudwaaq ayaa sheegaya inay gacanta ku dhigeen ruuxii falkaasi ka dambeeyay, waxaana ay sheegeen inay hadda xabsiga ku hayaan Cadaaladana la horkeeni doono.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ruuxa falkaasi ka dambeeyay uu watay gaariga gargaarka lagu waday, wuxuuna ka carooday qaabka loo qeybinayay gargaarka, sida la xaqiijiyay.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa ahaa dadkii badnaa ee ku sugnaa goobta falkaasi uu ka dhacay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com