28.1 C
Mogadishu
Thursday, January 22, 2026

Masar oo dagaal adag kula jirta aqoonsiga Israel ee S/LAND – Maxaa dhacay maanta?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa dadaal xooggan ugu jirta difaaca midnimada Soomaaliya, iyadoo ka shaqeynaysa sidii waxba kama jiraan u noqon lahaa aqoonsiga Israel ay siisay Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Dr. Badr Abdel Aati iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres oo qadka taleefanka ku wada-hadlay ayaa qeyb kamid ah wada-hadalkooda diiradda ku saaray faragelinta iyo weerarka Israa’iil ay ku soo qaaday midnimada iyo wadajirka dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiir Badr ayaa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u caddeeyay in aqoonsiga keligiis ah ee sharci-darrada ah ee Israa’iil u fidisay maamulka Somaliland uu yahay xad-gudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sheegay in qorshaha Israa’iil uu wiiqayo xeerarka sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa arrintaan ku tilmaamay mid khatar ah oo horseedi karta qalqal ku yimaada nabadda iyo amniga gobol iyo caalamka oo dhan.

Wasiir Badr ayaa adkeeyay taageerada buuxda ee Masar ay la garabtaagan tahay midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dhankiisa, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa Masar ku ammaanay doorka ay ka qaadaneyso taageeridda amniga iyo xasilloonida gobolka, xilli ay jiraan qalalaaso goboleed oo aad u adag.

Sidoo kale wuxuu bogaadiyay sida ay Masar uga go’an tahay mabaadi’da Axdiga Qaramada Midoobay iyo dadaalkeeda joogtada ah ee lagu xoojinayo nabadda iyo amniga caalamka.

Israa’iil ayaa 26-kii December 2025 ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dal madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda,” iyadoo xiriir diblumaasiyadeed la samaysatay maamulka fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u diiday go’aankaas, iyadoo ku tilmaamtay xadgudub sharci-darro ah iyo daandaansi ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News