28.7 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

MASAR oo ku biirtay ololaha la rabo in lagu rido R/Wasaare CABDI WELI (XOG)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog oo aan ka helnay Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia, ayaa sheegeysa in Dowlada Masar ay  dhaqaale ku bixineyso dhicida Xukuumada Somalia ee uu Hogaamiyo R/W C/weli.

Mid kamid ah wasiir ku-xigeenada DF Somalia oo inoo sir waramay ayaa sheegay in goor dhow ay Madaxweyne Xasan soo gaartay dhaqaale adag oo loogu talo galay in lagu rido Xukuumada.

Waxa uu sheegay in dhaqaalahaasi uu Madaxweynaha gudoonsiiyay Danjiraha Dowlada Masar u fadhiya Somalia Mowliid Ismaaciil oo taariikhdu marka ay aheyd November 15, 2014 la wareegay xilkaasi Safiirnimo.

Sidoo kale, Mas’uulka aan xogta ka helnay ma uusan carabaabin qiimaha dhaqaalahaasi la gudoonsiiyay Madaxweyne Xasan, inkastoo uu farta ku goday in lacagtaasi loo adeegsanaayo dhicitaanka Xukuumada R/W C/weli.

Madaxweyne Xasan ayaa la dhacsan wada shaqeynta iyo Siyaasada xiligaani kala dhexeysa Dowlada Masar.

Dhanka kale, Arrintaani ayaa waxa ay imaaneysaa, iyadoo ay jirto hadal heyn ku aadan in Masar ay DF Somalia ku taagereyso dhanka Mab’da ahaaneyd, inkastoo ay Siyaasadu tahay mid aan hadda bilaaban.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News