Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa dhawaan usoo direysa Soomaaliya ciidamadii u horeeyay, iyadoo si rasmi ah loo soo geba-gabeeyay tababarkii ugu horreeyay ee ciidankeeda ay usoo direyso gudaha dalka.
Ciidankan oo ku biiraya howl-galka cusub ee Midowga Afrika (AUSSOM) ayaa qaatay tababar heer sare ah oo la xiriira ilaalinta nabadda, iskaashiga caalamiga ah iyo la-qabsiga xaaladaha adag ee gudaha Soomaaliya.
Xarunta Qaahira ee Nabadda, Halganka iyo Tababarka (CCCPA) ayaa soo xirtay tababarkan oo si wadajir ah u maamulayeen CCCPA iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Masar, iyadoo taageero muuqata ka geystay dowladda Japan oo bixisay gargaar dhaqaale iyo farsamo.
Masar ayaa markan si rasmi ah ugu biirtay dalalka taageeraya amniga Soomaaliya, iyadoo cutubyadeeda la diyaarinayo ka hor inta aan loo dirin goobaha howl-galka.
Howl-galka AUSSOM ayaa beddelaya kii hore ee ATMIS, waxaana diiradda la saarayaa dhismaha awoodda amniga Soomaaliya, taageeridda ciidamada qaranka iyo hubinta in kala guurka amni uu noqdo mid deggan.
Dowladda Masar ayaa muddooyinkii dambe si weyn u daneynaysay kamid noqoshada howl-galka cusub, xilli ay Itoobiya ku sigatay in laga reebo howl-galka, wallow ay markiiba dambe isfaham la gaartay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Si kastaba, howl-galka AUSSOM oo haatan dalka ka bilowday ayaa lagu qiimeyn doonnaa waxyaabaha uu kusoo kordhiyo Soomaaliya, maadaama dalal cusub lagu soo kordhiyay, halka askarta howl-galkaan qeybta ka ah ay si toos ah ula howl-gali doonaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

