25.7 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Masar oo ka gaabsatay arrin la filayay in ay madaxweyne Xasan Sheekh kala hadasho

By Abdullahi Osman Farah
Bookmark
Bookmarked

Share

Qaahira (Caasimada Online) – Masaarida ayaa ka gaabsatay inay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud kala hadlaan arrinta biyo-xireenka ee Itoobiya ka sameysay wabiga Nile.

Kulankii labada madaxweyne ee Xasan Sheekh iyo Cabdulfataax Al-Sisi kuma xusneyn daah-furka ay Itoobiya qorsheynayso inay u sameyso dhawaan shaqada biyo-xireenka oo soo dhamaatay, kaas oo ay Masaarida si weyn u diidan tahay, sida aan kasoo xiganay xubno ka mid ah Villa Somalia.

Taas beddelkeeda Masar waxay weli qabtaa walaac ku saabsan sida ay gobolka u saameyn karto go’aanka ay weli ku taagan tahay Itoobiya ee ay rabto inay ku gaarto biyaha Badda Cas.

Xiisadda u dhaxeysa labada waddan ee Itoobiya iyo Eritrea ayaa sii kordheysa maalmahan, iyadoo Asmara ay Jabhadda TPLF u ogolaatay inay dekeddeeda hub kala soo dagto, waxaana qarka loo saaran yahay dagaal cusub oo ka qarxa gobolka Tigray ee waddanka Itoobiya, kaas oo aan markaan ku eekaan doonin gudaha Itoobiya, balse sidoo kale toos ugu fidi kara gudaha Eritrea.

Masaaridu waxay aaminsan yihiin in gacan ka hadal dhexmara Addis Ababa iyo Asmara inuu sii dhaawici doono horumarka gobolka, dhinaca kalena uu abuuri doono xasillooni darro xoog leh oo dhinacyo badan saameysa.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed wuxuu horraantii bishan sheegay inuu rabo inay deriskiisu kasoo jawaaban baahida deg-degta ah ee Itoobiya u qabto inay deked rasmi ah hesho, isagoo soo hadal qaaday dalalka Soomaaliya, Suudaan iyo Eritrea.

Safarkii Madaxweyne Xasan Sheekh ee magaalada Qaahira wuxuu sidoo kale muujiyay inuu weli xoogan yahay cilaaqaadka Qaahira iyo Muqdisho, iyadoo Masaaridu markale ku celiyeen inay bixiyaan kaalmo kasta oo milatari si ay Soomaaliya uga adkaato argagixisada.

Xasan Sheekh iyo Cabdulfataax Al-Sisi ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in dib loo furo safaaradii ay Masar ku laheyd magaalada Muqdisho, iyadoo dhul cusub laga siiyay magaalada.

Middii ugu muhiimsaneyd ee ay dad badan filayeen in safarkaan looga hadli doono, balse aan dhicin waa inay Masaaridu ka codsato Xasan Sheekh inuu kala safan Itoobiya, balse taas la iskuma soo hadal qaadin.

Xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, wallow ay xaaladdu isbeddeli karto marwalba oo uu Abiy Axmed tallaabo usoo qaado dhinaca biyaha Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News