29.9 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Masar oo qaaday tallaabo ay horey uga digtay Itoobiya oo la xiriirta SOOMAALIYA

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa haatan qaaday tallaabi ay ka digtay Itoobiya oo la xiriirta amniga Soomaaliya, iyada oo wafdi culus  usoo dirtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo ay soo dhaweeyeen madaxda howlgalka AUSSOM iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wafdigan oo ka kooban 16 xubnood oo isugu jiro mas’uuliyiin iyo saraakiil ciidan ayaa waxaa hoggaaminayo Maj. Gen. Islam Radwan oo ah sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Masar, kaas oo durbadiiba dhaq-dhaqaaq culus ka bilaabay gudaha magaalada Muqdisho.

Kulan ka dhacay xerada Xalane ayaa wafdiga ka yimid Masar iyo madaxda AUSSOM iyo saaakiisha ciidamada Xoogga dalka waxay uga hadleen qorshayaasha waawayn ee haatan socda, gaar ahaan imaanshaha ciidamada Masar oo maalmaha soo socda soo gaari doono dalka.

Sidoo kale wafdiga culus ee ka socda Masar ayaa qorshahooda yahay inay indho-indheetaan goobaha iyo saldhigyada ay dagi doonaan ciidamadooda oo si toos ah ugu biiraya howlgalka AUSSOM ee dhowaan ka howl bilaabay gudaha Soomaaliya, iyaga oo door ka qaadan doono howlgalka nabad ilaalinta ciidamada Ururka Midowga Afrika.

Waxaa kale oo jirtay in shalay dowladaha Soomaaliya iyo Masar ay wada-hadallo cusub ka yeeshay ciidamada ay Qaahira usoo direyso Soomaaliya, ee qeybta ka noqonaya howl-galka nabad ilaalinta. Wada-hadalladaas oo ka dhacay xarunta difaaca Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu dhex maray Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Cumar Cali Cabdi, iyo Col. Axmed Fatxi Cabdelsatar Al-Xusayni, u qeybsanaha arrimaha difaaca ee safaaradda Masar.

Inta ay socdeen wada-hadallada waxaa looga wada-hadlay diyaar-garowga ciidamada Masar ee ku soo biiraya howlgalka xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), sida lagu shaaciyay bayaan kooban oo kasoo baxay kulanka.

Sidoo kale, kulanka intii uu socday waxaa looga hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Masar, gaar ahaan dhinacyada difaaca, tababarrada iyo dardargelinta howlgalada ka dhanka ah argagixisada.

Arrintan ayaa imaaneyso, iyada oo dhowaan safiirka Itoobiya u fadhiya magaalada Muqdisho, Suleymaan Dedefo uu ka digay ciidanka Masar ee imaanaya Soomaaliya, isaga oo sheegay in aysan keeneen nabad, balse ay horseedi doonaan dhibaato horleh.

Suleymaan Dedefo ayaa sidoo kale tilmaamay in Itoobiya aysan wax cabsi ah ka qabin haddii la keeno ciidanka Masar, wuxuuna diray farriin cad oo uu ku sheegay inay awood u leeyihiin inay is difaacaan goor kasta.

“Annagu ma nihin kuwa cabsi qaba ama dareemaya khatar, waana awoodnaa inaan is difaacno,” ayuu ku yiri wareysi uu dhawaan Danjiruhu siiyay Telefishinka Universal.

Si kastaba, Masar ayaa si rasmi ah usoo geba-gabeysay tababarkii ugu horreeyay ee ciidanka usoo direyso gudaha Soomaaliya, kuwaas oo ku biiraya howl-galka cusub ee Midowga Afrika (AUSSOM), waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay soo gaaraan dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News