Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa dhawaan dib uga furan doonta magaalada Muqdisho xarun safaaradeed, sida uu Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi u xaqiijiyay Madaxweyne Xasan Sheekh.
Labada madaxweyne oo shalay kulan miro-dhal ah ku yeeshay magaalada Qaahira ayaa waxay tallaabadan muujinaysa mudnaanta xiriirka iskaashi ee labada dal.
Madaxweynayaasha Masar iyo Soomaaliya ayaa sidoo kale waxay isla qaateen in la dardar-geliyo fulinta heshiiskii iskaashi ee ay wada saxiixdeen Agoosto 2024.
Heshiiskaas ayaa ku saabsan tababaridda iyo qalabaynta ciidamada Soomaaliya, si ay uga adkaadaan kooxaha argagixisada ah, ugana hortagaan faragelin kasta oo gudaha ama dibadda ah
Soomaaliya iyo Masar ayaa kor u qaaday xiriirkooda diblumaasiyadeed, waxayna labada dhinac ay gaareen heshiisyo muhiim ah, iyadoo Qaahira ka qeyb qaadaneyso nabadeynta Soomaaliya.
Ciidamada Masar ayaa qeyb ka noqonaya howl-galka cusub ee Midowga Afrika ee lagu xasilinayo Soomaaliya, si looga hortago firaaq siyaasadeed oo Itoobiya ay isku dayi karto inay ka faa’iideysato, sida ay qabaan Masaarida.
Si kastaba, Masar ayaa haatan waxay dadaal badan ku bixinaysa sidii ay u ballaarin laheyd doorkeeda siyaasadeed iyo amni ee Geeska Afrika, gaar ahaan meelaha ay Itoobiya horay u sheegan jirtay “inay tahay aag ay saameyn ku leedahay”.

