Muqdisho (Caasimada Online) – Mashaariicda uu Soomaaliya ka waday Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa si xun loo maamulay, taasi oo keentay in gebi ahaanba la joojiyo.
Sida uu ogaaday barnaamijka Galka Baarista ee idaacadda VOA, mashaariic ku kacayey $6.6 milyan oo dollar ayaan hirgelin ilaa haatan, in ka badan 5 sano kadib markii la bilaabay.
Galka Baarista waxa kale oo uu ogaaday in mashaariicda la musuqmaasuqay ee OIC ay qayb ka ahaayeen barnaamijyada horumarinta Soomaaliya oo ay maalgeliyeen hay’ado samafal oo laga leeyahay dalka Sucuudiga kuwaasi oo bixiyey $72 milyan oo dollar, si mashaariicdaas oo lahaa saddex weji looga hirgeliyo Soomaaliya.
Baaritaan gudaha ah oo uu sameeyey OIC waxaa eedaymo loo jeediyey Madaxii xafiiska OIC ee Soomaaliya Maxamed Iidle Sabriye iyo Madaxii Arirmaha Bani’aadminnimada ee OIC oo fadhigiisu yahay Jeddah Rami Inshasi.
Labadaasi sarkaal ayaa midna la cayriyey kan kalana shaqadii laga wareejiyey.
OIC waxay qirteen in mashaariicdooda Soomaaliya si xun loo maamulay, waxayse sheegeen inay isbeddello ku samaynayaan xafiiskooda Soomaaliya, si loo saxo qaladaadkii dhacay.
Barnaamijkan waxaa diyaariyey Haaruun Macruuf
Caasimada Onlkine
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com